Wararkii ugu Dambeeyay Qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay Agagaarka Hotel Wehliye ee Muqdisho.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari loo adeegsaday oo duhurnimadii maanta ka dhacay Magaaladda Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Hotel Wehliye.

Qaraxaan ayaa ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama muqdisho gaar ahaan kasoo horjeedka Hotelka Wehliye, iyadoo goobta uu qaraxa ka dhacay ay ku yaaliin maqaayado lagu cunteeyo, waxayna wararka sheegayaan gaariga qarxay uu bartilmaameedkiisa ahaa maqaayadaha halkaa ku yaala.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxa,waxaana goobta ku sugnaa dadweyne fara badan, waxaana halkaasi gaaray Ciidamadda ammaanka iyo gaadiika gurmadka Deg dega ayaa haatan ku sugan goobta.

Dhanka kale wararku waxay sheegayaan in qaraxaasi ay ku naf waayeen dad gaaraya in ka badan ilaa 7-ruux, sidoo kale waxaa jira dhawac intaas ka badan.