Qowmiyado ay Soomaali ku jirto oo ku dagaalamay Kenya

Dagaalkaan oo u dhaxeeyey Soomaali iyo Qowmiyada Boranta ee dalka Kenya ayaa waxaa uu uu ka dhacay deegaanka Madogashe ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Labadaan qowmiyadood ayaa isku-heysta dhul daaqsin ah oo deegaankaasi ku yaaalla,waxaana inta la xaqiijiyey dagaalkii ugu dambeeyey ee dhexmaray ku geeriyooday ilaa Saddex Ruux.

Waxaa wararka kale ee la helayo ay sheegayaan in qowmiyadaha dagaalamaya ay guryo iska gubeen, sidoo kalena dagaalka uu sababay in dad farabadan ay barakacaan.

Haweeneyda koowaad ee Baarlamaanka ugu jirta Magalada Gaarisa Marwa Canab Suubow Guure ayaa sheegtay in aan loo dul qaadan karin gubida guryaha iyo dadka la dilayo, waxaana ay Soomaalida ugu baaqday in ay joojiyaan gubida guryaha iyo dagaalka,isla markaana iyada ay ka warsugaan.

Waxaa sidoo kale ay qowmiyada Soomaaliya u sheegtay inay garab taagan tahay,isla markaana ay ka warsugaan waxwalbana wadahadal iyo xalis lagu dhameeyo,sidoo kalena ay la wadaagi doonto Madaxda dowladda Kenya.

Si kasataba dowladda Kenya ayaa shaacisay inay dad badan usoo qab qabatay dagaalkaas ku dhexmaraya qowmiyadaha kasoo kala jeeda degmada Isiyoola iyo Magalada Gaarisa,isla markaana xasilooni badan ay kuso noqotay deegaanadii lagu dagaalamay.