Maxaabiis Falastiini Ah Oo Tooreey Ku Dhaawacday Ilaaladda Xabsi Ku Yaalla Israel

Afhayeen u hadlay Hay’adda Adeegga Xabsiyadda ee Israel ayaa xaqiijiyey in 2 ka mid ah Ilaaladda Xabsiyadda lagu dhawaacay weerar ay getsyeen Maxaabiis ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Ilaamiga XAMAAS ee Reer Falastiin.

Weerarkaasi ayaa la shegay inuu ka dhacay Xabsiga Ketziyot oo ku yaalla Koonfurta Israel, iyadoo ugu yaraan 2 Askarta Ilaaladda la dhaawacay, una baahan yihiin Daryeel Caafimaad.

11 Maxbuus ayaa iyagana la dhaawacay, inkastoo aan la sheegin qaabkii ay u dhaawacmeen iyo in rasaas lagu furay, markii ay Tooreyda ku dhaawceen Ilaaladda Xabsiga.

Toddobaadkii hore, Maxaabiista XAMAAS ee ku xiran Xabsiyadda isreal waxay dhigeen Dibadbax, iyagoo dab qabadsiiyey qaar ka mid ah Joodarayaashii yaallay Xabsiga, kadib, markii ay Maamulka Xabsiyadda mamnuuceen inay Maxaabiista isticmaalaan Telefoonadda