DEG DEG:- Qarax Goordhow ka dhacay Magalada Muqdisho

Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.

Wararka aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in Qarax la sheegay in uu yahay Gaari Wax lagu xiray uu ka dhacay meel u dhow daarta MBC, oo u dhow Isgoyska Black Sea.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in ilaa laba ruux ay qaraxaasi ku dhaawacmeen, waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya, kuwaas oo xiray aaga goobta uu qaraxa gaari ka dhacay.