Daawo: Dowladii dhexe way fashilantay, Puntland ayaa dowrkaas soo gashay…

Sodonkii sane een tagay waxan ku fikiraayay in dawlad taama oo Soomaaliyeed la helo oo ciidan qaran sameeysa si dalkoo dhan loo xasiliyo loogana baxo dagaalada qabaa’ilka. Laakinse labadii dawladood ee isku xigay ee madaxweeynihii-hore Xassan Sheikh Iyo Madaxweeyne Farmaajo labaduba waxay ku fashilmeen ineey abuuraan ciidan qaran. Maba aay fahamsana ineey wadanka Soomaaliyeed oo dhan madax u yihin oo xil ka saaranyahay qofka jooga Lowya’ado illaa Raas Kaambooni. Maalin qudha dawlada Farmaajo kama hadasho waxa ka socda Sanaag, Sool, iyo Awdal.

Dadka ku dhaqaan Sool, Sanaag, iyo Awdal waxa maalin walba lala dul taaganyahay qori iyadoo loo adeegsanaayo wadano ajaaniba ah markasta; waxeeyna rabtaa kooxda Hargeisa in wadanka aay dadkaa qasab kaga gooyaan.

Run ahaantii Muqdishu madaxda joogtaa wadanka iskuma hayaane, madaxda Puntland baa wadanka isku haaysa. iyagaa ah madaxdii dhabta ahaa ee Soomaaliyeed.

Hamid Masheye