SIRTII UUGU CUSLAYD CIIDAMADA SHACABKA GUMAADA OO LA OGAADAY WAXAY YIHIIN DHAB AHAAN!

Markan waxay sheegteen ciidan qaran wajigana waa u furan yahay.

Wasaaradii gaashaan dhiga iyo ciidankii qaran ee xooga dalka soomaaliyeed,markii dalkeenu burburay 1991 hanaankii dawlad nimo iyo kala danbayntii sharci iyaguna waa burbureen gabi ahaanba. badalkodii waxaa qabsaday afkaaro shisheeye oo laga soo xanbaaray dibada lana keenay dalkeena.Dabcan waa dawladaha cadawga ku ahaan jiray hadana ku ah jiritaanka iyo dawladnimada soomaaliyeed ee hana qaaday 1960 kii kala qabintii dalkeena 1884 kadib.

Waan kaxumahay in aynu ilawnay cadawqarameedkeenii iyo sidaynu ku helay xoriyada oo aynu dayacnay dalkeenii iyo dawladnimadeenii.Waxaa xusid mudan in dadkeenii lagu sameeyay dhalan rogan,dhanwalbana laga soo galay oo la jahawareeriyay,la burburiyay wada jirkooda iyo midnimadooda soomaalinimo. fulinta arinkaan waxaa loo adeegsaday dadkeena soomaaliyeed dad kamid ah.

Hadaynu wax yar ka niraahno qaabka iyo dhanka ciidankeenii xooga sida loola wareegay oo loo hantiyay. waxaa caasimadeena laga abuuray iyadoo laga faa iidaysanaayo dagaalada sokeeye iyo dawlad la aanta ciidamo uu sargaalka wataa yahay dagaal ooge kaasoo cadawga soomaaliyeed siin jiray had iyo jeer rasaasta iyo hubka iyo lacag lagu hayo ciidanka maleeshiyo beeldka ah. Ciidankan waxay dil iyo dhac joogta ah ku hayeen shacabka.

Dawladihii dalka ka dhashay kuma aysan guulaysan in ciidamadaas la dhaqan celiyo lana qarameeyo,horjoogayaashiina waxay dawladii dhalataba ka qaadan lacag baad ah,iyagoo aan ahayn ciidan qaran. ciidamadii dagaal oogayaashu oo beelaysan waxay u xuubsiiibteen shabaab oo kubiireen.waxay kala joogaan shabeelada dhexe iyo shabeelada hoose oo ah halka ay ka soo farsameeyaan qaraxyada lagu gumaado shacabka Mogdisho.

labada shaati waa waji afka laduubto oo mar ah iyo mar ciidan qaran layska dhigo,maadaama dawladihii dalka soomaray ay aqbaleen in iyagoo beel ah kuligoodba laga dhigo ciidan qaran oo la siiyo mushahrar joogta ah si dalka xal iyo nabad loogu helo.balse lama ogayn hore in ay yihiin isla shabaab kulaaya dadka Mogdisho.

waa isla ciidankii sheeganaayay ciidanka dawlada! kaliya afkaa laguu soo duubtay.

Ciidankani waa ciidamada labada waji leh hada wajigay xirteen oo waa shabaab,marka kalana waa ciidan qaran! majiraan ciidamo layiraahdo shabaab oo gaar ahi kuwan unbaa dadka gumaada,umana naxayaan dadkooda,maxaayeelay lacag bay ka doorteen in ay gumaadka dadkooda ku qaataan.waxaana iyaga loo soomariyaa lacagta ganaacsatada bakaaraha oo lacagaha shabaab haysa ganaacsina ugalisay,si dadku lacagaha u yimaada ula yaabin ganaacsi ayaa lagu qariyaa been ah.

dagaal oogayaashii gunadoodu waa sidii,waxaana hawsha badankeeda hada kala wareegay kooxda uu madaxda u yahay xasan sheekh oo dalka kasoonoqday madaxweeyne.kooxda siyaasiyiinta xanaaqsan hantidooda iyo naftooda shabaabka afka duuban waxba mayeelo! dadka lagu gumaado mogdisho kuma jiraan. sababtoo ah waxaa ka dhaxeeya wada shaqayn buuxda oo dhaqaale. Waxaa cadaatay in ciidamadan afka duubtaa yihiin kuwa sheegta ciidan qaran hadana ka gaarka ah.waxaa cadaatay in shacabka mogdisho kuwa qaraxyada u dhigaa iyo shacabka laayaa isla kuwan yihiin. waxayna hortaagan yihiin in ay dalka soomaaliya ka dhalato dawlad in shacabka mogdisho helo nabad iyo nolol bay diidan yihiin. dawladan kaliya maha 1991-2019 dawlad kastoo dhalata si soomaaliya u badbaado waa hortaagan yihiin. kuwani qabiil ahaan dadkooda uma bad baadiyaan,oo diin ahaan uma bad baadiyaan,waa cadaw danaystayaal ah yaa laayo dadka mogdisho!

DAWLADEENA SOOMAALIYA OO DHISTAY CIIDAN RASMI AH OO QARAN QABIIL ISKA DIIDAY

Dawldeenu markay aragtay dhibka dalkeena yaala,waxay xooga saartay in uugu horayn amaanka lasoo celiyo waxna laga qabto.sitaa loo helo waxay dhistay ciidan qaran oo isku dhaf ah oo xoogleh.waa xoogii dalka soomaaliyeed oo soonoqday,dal waxaa amaankiisa suga ciidan wadani ah oo u dhimanayaa dalkiisa cadawga dibada iyo kan gudahana ka difaacaya.waa haynaa ciidankii maanta. majirto beel soomaaliyeed oo kamaqan maxaayeelay dhalin yarada ciidanka la qoraayo waxaa shardi ah in uu yahay soomaali,dadiisu aysan ka yarayn 18 jir,caafimaad qabo. dawladuna diyaar bay utahay in ay siiso mushaharkooda oo ah waajib qaran. waa loobaahan yahay ciidan nin walbaana ha yimaado xerada waa la qorayaa. qabiil iyo qaran meel mawada gali karaan. ma waxaa ciidan qaran soomaaliyeey noqon kara oo ka dhignaa nin aan amarka qaadanayn,nin leh hadaan qof soo dilo waxaa laygu siin 750 dollar calaa qofkii, nin leh hadaan meel qarax dhigo waxaa laygu siin 1200 dollar! nin mushar ay siiyaan siyaasiyiinta xanaaqsan iyo ganaacsatada kuwa ku gabada ee fadhiya bakaara,oo lacagta ka hela dawlado carbeed iyo shisheeye.

kuwa shacabka gumaadaa waa cadaw maha wiilasheenii maha qabiilkeenii iyo waxaynu aamini karo, midna. iyagoo sidaa ah ayay hadana diideen in ay iska xaadiriyaan sidii ciidan waligiiba ahaan jiray xerada loogu talagalay.waxay diidayaan in mashruucoodii halkaa ku dhamaado waana silsilad taxan. uma baahna mushahar dawladeed maadama ay helaan lacago kabadan. cidkalayna ciidan u yihiin tanoo hada fashilantay iyagaana dadka dhameeya oo laaya fuliyana qaraxyada mogdisho.Ciidanka xooga dalka soomaaliyeed waxa uu wacad allaah kumaray in uu cagta mariyaa cidkastoo shacabka soomaaliyeed usoo qaadatay tuutihii ciidanka xooga dalka soomaaliyeed,cidkastoo sheegata ciidanka xooga dalka soomaaliyeed oo ku been abuurta taasoo khatar ku ah dadka iyo dalka bay yiraahdeen aan u dhaaranay iyo sharafta ciidanka xooga soomaaliyeed. Lama aqbali karo ciidan ka hoos dhisan ciidan aan la aqoon halkay ka helaan mushaharka iyo ciday u adeegaan ama u shaqeeyaan.

Waxaa mahad illaahay ah in shacabkii soomaaliyeed ay u cadaatay,kuwa kusugan shabeelada dhexe iyo shabeelada hoose ee ciidanka dawlada iska dhigayaa in ay yihiin kuwa ka fuliya qaraxyada Mogdisho dadkana ku laaya intay afka soo duubtaan. Dadka soomaaliyeed waxa uu rabaa nabad iyo nolol dawaladnimo iyo wadajir in sidaa la helana waxay ubaahantahay shacabka iyo ciidanka xooga soomaaliyeed oo isku duuban in ay u dhintaan dalkooda iska qabtaan cadawga ku dhexjira.

Yusuf Omar

mashruuc5@hotmail.com