RW Khayre waa in uu iscasilaa wuu Fashilmay, 2 sano ayuu Waddanka waxba ku soo kordhin

Ninka beenlowga ah waxaad ku garanaysaa goortuu ku yiraahdo:”anaa runta ku sheegayo ama idiin sheegayo”.
RW khayre waa beenlow oo ku darsaday aqoon la’aan iyo kibir aan dhadhan iyo qurux midna lahayn.

Lakiin taasi waxaa ka darran oo halis ku ah Qaranka jiritaankiisa iyo amnigiisa aqoon darrada baahsan ee ka haysato xagga nidaamka Dowladeed.

Nidaam Dowladeed aqoon gaar ah ayee u baahan tahay, qibrad dheer bay u baahan tahay, waxay u baahan tahay aragti balaaran aad ka haysatid Nidaam Dowladeedka Dowladaha kale ama in Xisbiyo siyaasadeed ka mid noqotay.
Intaaso idil RW Khayre mid aan la xiriiri karno ma hayno.
Labo arin ayaan rabaa in aan halkaan si kooban ugu gudbiyo RWhaan ee gabi ahaan ku fashilmay howshii lagu aaminay.
1. Ciidamada Xoogga Dalka waxay hoos yimaadaan Wasaaradda Gaashandhigga.W.Gaashandhigga waxay u nidaamsantahay qaabDowladeed (Waa Dowlad ku hoos nool Dowladda Dhexe), xeerar u gooni ah ayee leedahay, boolis u gooni ah ayyee leedahay( Military Police MP), sirdoon u gooni ah ayee leedahay, shaqaale rayid ah u gooni ah ayee leedahay, Maxkammad u gooni ah ayee leedahay iyo in kale.

Wasiirka Gaashandhigga kama mid aha nidaamka. Militariga “hadii uusan asaga ahayn ciidan”, wuxuuu u kala hadal qaadaa 2da Dowladood tan dhexe iyo midda ciidanka.
2. Arimaha quseeya Ciidanka Qalabka Sida nooce doonaan ha noqdaan waa arimo u gaar ah Dowladda Dhexe iyo Gashaandhigga oo marnaba la dhex keeni karin si adagna looga ilaaliyo in bulshado ay soo gaarto.

Arimaha quseeya Ciidanka waa sir Dowladeed.
RW waa inoo bartaa nidaamka ay u dhaqmaan Ciidanka Qalabka Sida, danta uu ka leeyahay Ciidamada waa in uu Wasiirka Gashaandhigga kala xiriiraa, Wasiirkana waa inoo fariinta Dowladda Dhexe u gudbiyaa sarkaalka ugu sareeya Ciidamada.

Qaabka lagula dhaqmo Ciidamada nidaam ayee leedahay
Waa qaddirin, waa sharafeen,waa ixtiraam iyo waddo loo maro ayee leedahay.
In RW suuqyada iyo masjidyada iyo baraha bulshada uu soo hor istaago oo hadalo aan miisan lahayn iyo aflagaado isugu jirto oo la dul istaago Hay’adaha tan ugu muhiimsan uu Qarankka leeyahay: “Gashaandhigga Ciidamada Qalabka Sida”waa ayaan darro.

Dhaqankaas foosha xun ee RW waxay muujinaysaa aqoon darrada ka haysato Nidaamka Dowladeed, dhaqankaas oo sabab u ah Fashilka Dowladda gebi ahaanba.
War halkee lagu arkay in arimo Ciidan ay soo faragashtaan wasiiro sida kan Miisaaniyadda, kan Ganacsiga, kan Amniga iyo kan Warfaafintana qabiil ahaan loogu diro in ciidamo ka tirsan Xogga Dalka ee la soo xaajoodaan.
Waa fashil kaamil ah oo aan lahayn meel laga qabto.
Waa middaan tan nagu kaliftay in MW ka codsano in uu xilka ka qaado RWhaan fashilmay.
Rajo majirto inta uu Khayre yahay RW in Waddanka uu hor’umar gaaro, in musuqa lala dagaalamo, in cadaalad shacabka la dhex dhigo.

Dott. Abuukar Nuur Xuseyn
Gudoomiyaha Xisbiga BDem.