Digniin laga soo saaray dhul gariir ku dhuftay dalka Kenya

Waaxda Saadaasha hawada ee dalka Kenya ayaa shaacisay gordhow in dhul gariirka ku dhuftay Kenya gaar ahaan Nairobi uu cabirkiisa gaarayo 4.8 oo ah qiyaasta cabirka dhul gariirka.

Dadka ku sugan Mombasa, Malindi, Kilifi, Lamu, Diana iyo deegaanada saaran Xeebta waxaa lagu wargeliyay inay ka fogaadaan agagaarka badda, ayna u baxaan meelaha dhulka joogiisu sareeyo, sidaasi waxaa sheegay Waaxda Saadaasha Kenya.

Sidoo kale waxaa laga baqayaa in dhul gariiska uu saameeyo qeybo kamid ah Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada ku dherersan badweynta India.

Soomaali badan oo ku sugan xaafadda Islii ayaa cabsi dareemay iyadoo bannaanada u soo baxay kana degay daaraha waaweyn markii dhulgariirka la dareemay.

Goobaha sida weyn looga dareemay dhul gariirka Caawa ayaa ah Lavington oo Nairobi ka tirsan.