Ciidanka Xoogga Dalka ayaan garab taaganahay

Ha laga waantoobo in ciidamada lakala sooco Kuwoona la yiraahdo waa Ciidamo Qaran kowa kalana la yiraahdo waa maleeshiyo beeleed aan diwaan gashneen.

Mushaarkooda, hor’umarkooda, in tayadooda kor loo qaado cid ay ka tuugayaan ma jirto, waa xaqooda.

La yaabi maayo hadii ciidamada gadooday ee Balcad jooga ay madaxa ka toogtan Wasiiradii loo diray “Gar ayeena u leeyihiin” wasiiro aan shaqo ku lahayn Ciidamo, wasiiro loo adeegdsaday qaab Qabiil, ciidamadaasna lagu tilmaamay meleeshiyo beleed oo been laga sheegay in ay mushaar qaateen.
In Wasiirada Balcad loo diray madaxa laga toogto raali ayaan ka ahay, waayo mid iyaga ka mid ah iskuma dayin in uu u doodo ciidamadaas xaqooda, marka waa maxay sababta ay u aadeen.

Maxaa u diiday in MW Farmajo oo ah taliyaha ugu sareeya Ciidamada Xoogga Dalka in uu isaga lasoo xaajoodo ciidamadaas gadooday.

Maxaa u diiday RW Khayre in uu isaga lasoo xaajoodo ciidamadaas gadoodayoo oo xaqooda la duudsaday.
Maxaa u diiday in Wasiirka Gaashandhigga loo diro in uu lasoo xaajoodo ciidamadaas gadooday oo xaqooda la duudsaday ee hoos yimaadaan Wasaaradiisa.

Maxaa keenay in wasiiro aan shaqo ku lahayn Ciidamada Xoogga Dalka oo hal beel ka soo jeedo loo diro ciidamadaas gadooday, isla markaasna ciidamadaas lagu tilmaamo in aysan ahayn Ciidan Qaran oo la yiraahdo waa meleshiyaad beeleed.

Waa bahdil aan la aqbali karin marnaba.
Seebay u suuro gashay in ciidamada la dagaalaya cadowga Shabaab in ay xaqqodi wayaan isla markaana 2- 3 mushaar loo qoro shaqsiyaad madaxtooyada joogo oo aan wax shaqa ah hayn, ama ciyaal lagu mushaareeyo facebook, ama wadaado turufotoorayaal ah hoteelada lagu masruufo iyo qurbojoog buufis kusoo dhacay.
Ciidanka Xoogga Dalka waa ciidan midaysan oo aan kala sooc lahayn, waa ciidan u shaqeeya Qaranka, kalsooni iyo amaan buuxdo ka haysta Shacabka Soomaaliyeed guud ahaantiis.

Ciidanka Xoogga Dalka waa ciidanka aan ku faano, inaga mudan tixgilin, sharafeen iyo qaddirin,waa ciidan muujiyay karti iyo geesinimo, dulqaad iyo samir xilli uu Waddanka ku jiro marxalad adag iyo dagaalo.

Ciidanka Xogga Dalka Ilaahay qayr ha siiyee dhammaantood waa ciidan aana haysan qalab casri ah ay ku dagaaltamaan, waa ciidan aana haysan mushaar ku filan 100$, oo ay sugayaan 3-4-5 bilood, waa ciidan la bahdilay, lagu tuntay xuquuqdooda loogu daray af lagaado iyo in la kala qaybiyo oo qaarkood lagu tilmaamo maleeshiyaad beleed.
Bahdilka, af lagaadada iyo kala sooca Ciidanka Qaranka ay madaxda sare wado waxaan u aragnaa arin aad u qatar badan oo dhaxalkeedu noqon karo mid aan fiicneen oo xanuun badan.
Hadda ka hor ayaan MW ka codsanay Xisbi ahaan Shacab ahaan in uu xilka ka qaado RW Khayre oo ku badalaa mid aqoon u leh nidaam dowladeed.
MW ayaa mas’uuliyadeeda qaadayo dhibka ka dhalan doono nidaam xumada uu Waddanka ku maamulayo RW Khayre.

Dott.Abuukar Nuur Xuseyn
Gudoomiyaha Xisbiga BDem.