Ciidamo ka wada tirsan Dowladda oo ku dagaalamay Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda ku dhexmaray agagaarka Isgoyska Tarabuunka degmada Hodan ee Gobolka Banaadir,dagaalkaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Ciidamo Boolis iyo Millateri ah,waxaana goobjoogayal ay sheegeen inay isku maandhaafeen dhismo laga sameynayay guri ku yaalla Warshadii hore ee Coca Cola oo u dhow Isgoyska tarabuunka.

Dagaalka ayaa waxaa wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in uu ku geeriyooday Sarkaal Kabtan ahaa oo ka tirsanaa ciidamada Millateriga laba ruux oo mid ka mid ah uu Shacab yahay ay ku dhaawacmeen.

Waxaa gebi ahaanba istaagay isku-socodka dadka iyo Gaadiidka Wadada Wadnaha gaar ahaan agagaarka Tarabuunka,waxaana weli mararka qaar la maqlayaa rasaas goos goos ah.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Maamulka degmada Hodan ee Gobolka Banaadir weli kama hadlin dagaalkaas, iyada oo Ciidamadii wada dagaalamay ay weli ishor-fadhiyaan.