Maqaal aad u dheer: Gadoodka ciidamadda Maxaa u sabab ah….?

Maqaal Qaran!

Ciidamada gadoodka ah ee 2da shabeelle kasoo baxay ma mushaar la’aan kaliya ayaa gadoodkooda u sabab ah?!

Jawaabtu waa maya, mushaar la’aantu kaalinta 5aad ayay ka geleysaa sababaha Gadoodkooda!.

Waxaa jira sababa kale oo ka khatar badan kana qota dheer mushaar la’aanta, xalkooduna ka culusyahay xalka mushaar la’aanta, maadaama xalkoodu u baahanyahay go’aan geesinimo leh oo uu qaato hogaamiye fahansan daruufaha Dalkiisu ku jiro mas’uuliyadiisana qaata!.

Sida Aduunku ku dhaqmo Ciidamada Qalabka sida ee Dal kasta waxaa Taliya Guud u ah madaxweynaha Dalka ama mansabki kalee la doorto(Dalalka Ra’sawasaaraha la doorto).
Taliyaha guud (madaxweynaha) “Directions & hagid guud” ayuu bixiyaa,siiyaana Taliya ciidanka asigoo xeerinaaya Dastuurka,sharciyada, siyaasada guud ee Ciidanka & Amniga Qaranka, Taliyaha ciidankuna asigoo fahamsan stiraaiijiyada ciidan ee Dalka fulinayana Tilmaamaha madaxweynaha + qorshayaasha xukuumadu dejisay ayuu asna amaro fulin & farid howlgelin ciidan la wadaagaa saraakiisha ka hooseysa oo Abaan-duuluhu ugu horeeyo iyaguna qorshaha fulinta iyo farsamada ayay diyaariyaan.
sidaas ayaa ciidanka lagu howlgeliyaa, howlgalka ka dibna “feedback” loo sameeyaa laguna celiyaa madaxda sare ee Qaranka si qiimeyn & go’aamo sax ah looga qaato(dib u saxid ama sii dhiiri gelin).

Dhinaca kale guud ahaan xukuumada gaar ahaan Ra’isal wasaaraha oo ay ka hoos shaqeynayaan wasiirkiisa Gaashaandhiga, Amniga iyo wasiirkiisa maaliyada kaalintooda ama dowrkoodu waa dejinta sharcyada & ilaalinta istiraatiijiyada Amni iyo ciidan ee Dalka iyagoo fulinaaya siyaasada madaxweynaha la doortay ee markaas talada haaya.
-Taakuleynta qorshaha ay isla ogyihiin madaxweynaha iyo Taliyihiisa ciidanka.
– kuu metelida ciidamada shirarka siyaasadeeda(political over side) ee ka dhaca gudaha & dibadaba iyo ku kormeerida Taliska ciidanka fulinta siyaasada Amniga qaranka iyo Tilmaamaha madaxweynha Jamhuuriyada.

Hadaba Araartaas ka dib,

waxaa ka mida sababaha kale ee Ciidanku u gadoodayaan, hadaan la xalina gadoodku soo noqnoqan karo, kuwaan:-

1. Command controlka ama (chain of commanderka) Ciidamada xooga oo lumay.!?..
siyaabaha soo socda awgood!:

– Marka Taliyaha ciidanka xoogu inta uu Ra’salwasaaraha ku xiranyahay ay ka badantahay inta uu Madaxweynaha ku xiranyahay oo ah (Taliyaha guud ee ciidamada Qalabka sida)..!

– inta Ra’isalwasaaruhu Taliyaha xooga ku hor canaananayo Saraakiishii uu xukumaayay Taliyuhu weliba “Kabtano” u ubadan!,

– inta Ra’salwasaaruhu ciidamada Qalabka sida oo Taliyayaashoodu u horeeyaan iyo shacab Degmooyinka laga soo aruuriyay(maamooyinka malaamileyda) isugu keenayo hool Hoteel gaar loo leeyahay ku yaala,isla hal fariin oo handadaad u badana hal mar isku si ugu gudbinaayo shacabkaas iyo saraakiisha ciidanka!,

– Inta Saraakiisha (Genaraalada) ciidanka xooga ee xukuma hogaamada,qeybaha,Guutooyinka iyo Ururada lagu dhega hadlaayo iyagoo xukunki ciidanka haaya lana leeyahay waa leydinka maarmayaa mar dhow oo saraakiil dhalinyaro ah ayaan idin ku bedeleynaa oo imtixaankooda xafiiska Ra’sal wasaaraha ay ku qaadayaan gabdho iyo wiilal qurba joog ah(waaba dhacday!) oo qaarkood marka taariikdooda la baaray la ogaaday in Dalkaba dhaqan celis loo keenay,markii ay ku saaqideen noloshoodi qurbaha!,

– Inta shaqaala rayad ah oo Wasaarada Maaliyada ka socda oo aysan “saraakil Taliskooda ka tirsan aysan losocon” loo dirayo xeryaha Ciidamada lana leeyahay soo diiwaan geliya Ciidanka!.

– inta Madaxweynihi Jamhuuriyada ee asiga kaliya la doortay uu u fahansanyahay in ” Awood siinta Ra’salwasaaraha” macanaheedu yahay in asigu uu sacabooley ka noqdo Talada Siyaasada & Amniga Dalka,kuna e kaado safaro dibada ah, xaflada dhifdhif ah oo uu ka soo muuqdo. Taas oo ay sii dheertahay Ka aamusnaanta arimaha Qaran ee cakiran oo ay tahay kala hadlo!.

– Inta Taliyihii Ciidamada xooga & Abaan-duulihiisu ku kala xiranyihiin Madaxweynaha & Ra’salwasaarah, sidoo kale saraakiishi xafiiska Ra’isal wasaarah imtixaanka looga qaaday hogaamadana loo dhiibay ay aaminsan yihiin in laga xukumo xafiiska Ra’salwasaaraha oo Taliyaha xoogu uu san saxiixi karin 100$ haduu saxiixana uusan fuleyn saxiixaas ilaa “Samiira”oo xafiiska Ra’salwasaraha ka Tirsan uu waco Taliya Hogaanka Maaliyada Ciidanku si ay saxiixa Taliyaha xooga u diido ama u aqabasho!!!!!!!!

– Halki laga rabay madaxda sare ee Qaranka in Askarta mooralkooda la dhisi lahaa, Qadiyad ay ku dagaalamaan una dhiman karaan la geli lahaa, inta maalin kasta madaxdu la qeylinayso “Mushaar ayaan siinaa ciidanka sidaas daraadeed Dalku waa xuroobayaa”! Iyadoo laga dhigayo si askerigu naftiisa u huro oo uu Dalka u xureeyo kaliya in ay u baahantahay 100$ oo bishii la siiyo qeylo, siyaasadeyn iyo ku faanidna loogu daro welibana isla intii in aan qaarkood la siin ay cabasha joigta ahi ka jirto iyo maamul xumo!,

Inta ay cuqdadeysanyihiin Taliyayaasha xooga & Boliisku oo ay aaminsanyihiin in ay maqaar saar yihiin laguna adeegto saraakiishii ay amarka siin lahaayeen kuna shaqeyn lahaayeen ee ka hoosreyay iyadoon wax ixtiraam ahna aysan saraakiishaas lagu adeegto u heynin Taliyayaashooda, maadaana Ra’salwasarihi iyo Madaxweynihi ay ku xiranyihiin halki ay Taliyaha uga xirnaan lahaayeen,Taliyuhuna markaas saraakiisha usii gudbin lahaa fasiraada amarada madaxda iyo qorshahiisa.!….

Arimahaas inta ay socdaan aqristow ha sugin ciidan xasila, niyad leh,nidaamsan, xoogan oo cadow naga xureeya ee sug”Breeking News” soo noqnoqda oo cinwaankiisu” yahay ciidamo soo gadooday” !!

2. Waxaa ka abuurmay qaar ka mida ciidanka dhexdiisa shaki ah waa leydinka maarmi doonaa mar dhow oo madaxdu waxay idiin taqaan “maleeshiyo beeleed”!, shakigaasna waxaa sii xoojiyay markii ay arkeen Ra’isalwasaraha oo leh” mushaarki waa bixinay kaliya moryaan adeerkii waardiyeeya iyo mid hoteel waardiyeeya ayaa meelaha ka qeylqeylinaya”!, Iyadoo xaqiiqadu ka duwantahay sidaas oo xataa ay jiraan kuwa la diiwaan geliyay oo weli aan mushaarku gaarin,iskaba daa kuwa furimaha joogay oo aan la diiwaan geline ama aysan (diiwaan gelintu) weli gaarin.!

3. Wasiirki Gaashaandhiga oo aan shaqadiisa aqaanin oo ay isaga darsantahay shaqadiisa & shaqada Taliyaha xooga oo saraakiisha ciidanka xooga xafiiskiisa ugu yeeraya kuna leh “xilka ayaan idin ka qaadayaa hadii kale subax kasta iyo galab kasta xafiiskeyga tuurnaada” si dadka soo booqanaya wasiirka uu u dareensiiyo in uu mashquul yahay, wasiir awood badana yahay oo shaqadi Taliyaha xooga uu asigu heysto!.

4. Inta Garaamka iyo mushaarka ciidankeenu ku xiranyihiin gacan ajnabi(shisheeye)oo marki ay Dowladeenu & shisheeyuhu arimaha ama qadiyada Dalka isku khilaafaan, shisheeyuhu jaran karaan mushaarka & Garaamka ciidanka si ay u pressure gareeyaan Maamulka Dowladeed ee markaas jira una tusaan in aysan waxba aheyn, go’aan ay u madax banaanyihiina aysan qaadan karin!, hasay qaataana ay ka jeebantahay ciidankooda, ka dibna ciidanku ku kici doonaan haday xuquudooda waayaan!.

Arimahaas inta ay socdaan…..

Kaalinta 5 aad ayaa “mushaar la’aanta ciidanku” ka geleysaa sababaha ay uga soo baxayaan dhufeysyada ama furimaha dagaalka, xalka arintaasna waxaa ugu fudud mushaar loo helo, 4ta kale xalkoodu wuxuu u baahanyahay mas’uuulka Dalka ugu sareeya uu baraaruga fahmana waaqica jira ka dibna Talaabo saxitaan ah qaada ka horna khubara ciidan la tashta.

Qalinkii Ali Yaasiin