Taliye ku xigeenkii Ciidamada Cirka Soomaliyeed oo Maanta Aas Qaran loogu Sameeyay Magaalada Muqdisho.

Allaha u naxriistee Taliye ku xigeenkii Ciidamada Cirka Soomaliyeed General Maxamed Aadan Samater ayaa maanta waxaa aas qaran loogu sameeyay Magaalada Muqdisho, kadib markii uu xalay geeriyooday.

Aaska marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay Saraakiil Ciidan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ugu horeeyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Gen- Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana lagu Aasay qabuuro ku yaalla Xerada Ciidamada Cirka ee Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta ka qeyb gashay aaska ayaa waxaa ay tacsi u direen Ehaladii, qaraabadii iyo ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxriistii Taliye ku xigeenka.