Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka hadlay cabashada Ciidamada

Maalmihii la soo dhaafay waxaa taagneyd cabasho ku aadan in ciidamada Dowladda Soomaaliya aysan dhowr bilood qaadan wax mushaar ah,waxaana jirtay in ciidamada qaar ay kasoo baxeen fariisin ay ku lahaayeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka jawaabayay cabashadaas ayaa sheegay in Ciidan aan lasiin mushaar aysan jirin marka laga reebo ciidamada qaar oo dowladda ay tirakoob ama diiwaanglin ku heyso.

Waxa uu sheegay in askari walba oo ka tirsan ciidamada Dowladda ee la diiwaangeliyey uu heli doono musharaakiisa,waxaana taliyeyaasha ciidamada uu ka dalbaday in ay geeyaan Ciidamada harsan goobaha diiwaangelinta si ay xaquuqdooda u helaan.

“Waxaan rabaa in aan ku heshiino in lacagta loo qorsheeyay ciidamada inay gaarto oo aan dhexda laga bixin saraakiisha lacagta lagu aaminay ay sideey tahay u bixiyaan,waxaan rabnaa askari walba ee la diiwaangeliyey ee aan dalka u Shagqeyn iyo kan dalka u Shaqeeya inaan kala duwno ayuu yiri Ra’iiusl Wasaare Kheyre.

Hadalka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa daba socday xilli dhawaan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay sheegayeen cabasho ku aadan in mudo dhowr bilood ah aysan qaadan mushaarkooda,hayeeshee Ra’iisul Wasaaruhu uu sheegay in askari walba ee Shaqeeya uu xaquuqdiisa uu heli doono.