Muudey: ”Degmadda Balcad Waa nabad, argagixisadii waa laga saaray…”

Degmada Balcad waa nabad waxaana gacanta ku haaya maamulka degmada, kooxda argagixisada ee mushaakilka ku ahaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed ayaa caawa si aragagixisnimo ah isku dayay in ay si dhuumaaleeysi uga dhax dagaallamaan gudaha degmada,si taxaddir ah ayeey ciidamada amniga uga hortageen.

Waa ilaah mahaddiis in degmadu ay hadda tahay nabad lagana difaacay kuwii rabay in ay aragagixiyaan bulshada ku dhaqan Balcad.

Balcad marna ma qaadan doonto in kooxa danbiila yaal ah ay ku dhax mushaaxaan gudaha degmada.

Waan u mahadnaqeeynaa ciidamada amniga degmada Balcad sida ay u xaqiijiyeen amniga dhamaan degmada qeeybaheeda kala duwan iyo sida ay u garab istaageen bulshaweeynta ku dhaqan deegaanka.

Weey ku amaanan’yihiin, waana ku garab taagannahay dadaalka adag ay uhaayaan dadkooda iyo deegaankooda.

Balcad waa magaalo taariikhi ah laguna yaqaan dadkeedu kuwa mideeysan oo ubadan beeraleey wax soo saar heer sare leh.

Balcad waxeey mudan tahay in lagu garab istaago himilooyinkeeda horumarineed ay dadkeedu caanka ku yihiin .

“Nabad iyo Horumar ayeey Balcad ku caan tahay”

Guuleeysta dhamaan ciidamada amniga degmada Balcad.
Mahadsanidiin !
Hassan Abdulkhader Mudey