Abgaal Cismaan Abgaal kale ayuu Ableeyda & Eebada u Sitaa!!!

Dagaal cusub oo u dhaxeeyo labo beelood oo walaalo ah ayaa saakay ka bilowday Tuulooyin hoos taga Degmada Cadale ee G/Sh/Dhexe, Qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa kala gaarey labada dhinac ee iska soo horjeedo.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii ay ciidamada Dawladda Federaalka ka baxeen halkii ay ka joogeen Deegaanka ay Dirirtu ka curatay.

Baaqyo nabadeed oo lagu codsanayo joojinta Dagaalkaas ayaa loo jeediyay walaalaha ku dagaalamayo deegaankaas.

Waa nasiib-darro in Dagaalkaan uu soo laab – laabto dhawr jeer, Siyaasiyiinta iyo madaxda dhaqanka beesha Mudulood ayaa la rumaysan yahay inaysan Daacad ka aheyn xal u helida Colaadaasi.

Maamulka Hirshabeelle, iyo Dawladda Federaalka ayaa labaduba u muuqda inay ku Guuldareysteen sidii ay nabad ugu soo dabaali lahaayeen Beelaha ku dagaalamayo Degmada Cadale.

Horey ayaa maamulka Hirshabeelle loogu Eedeeyay inuu dhinac la safan yahay oo uu Danno Siyaasaddeed ka leeyahay Mustaqbalka Degmada Cadale.

Qore: C/Laahi Shiikhaalow