Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele Oo Mogadishu lagu soo dhaweeyay

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa goor dhawayd ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Xildhibaano katirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, wasiiro iyo mas,uuliyiin ka tirsan dowladda .

Madaxdawene yaasha Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa ka wada hadli doona xiriirka qotoda dheer ee labada dal iyo sidii loo sii adkayn lahaa

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la xiray intii ay socotay munaasibadii soo dhawaynta wafdiga madaxweynaha Jabuuti qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha Waxaa la socday labada fanaan ee Soomaaliya ugu caansan Kuwaas oo kala aha Xassan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal.