Wararkii ugu Dambeeyay Qarax ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama.

Qarax lagu xiray gaari ayaa Goordhow waxaa uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Shaqaalaha Wadada Maka almukarama ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa  sheegay in gaari Saruf uu ku qarxay kasoo hojeedka Hotelka Furat oo u dhow Isgoyska Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in gaariga qaraxa lagu xiray uu lahaa Taliyaha qeybta baarista ee Xarunta Dambi-Baarista ee CID-da, sida ay sheegayaan goobjoogayaal.

Ma jiraan wax khasaaro oo ka dhashay qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xiray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoona halkaasi baaritaano ka sameynaya.