Maxaad kala socotaa shaqsiyaad iyo xildhibaanada Ku jira Balackmail

Wali ma is weeydiisey Sababta in badan oo Madaxdii Dalkeena soo marey aay 20 Years ugu jajabnaayeen Dowladdaha Dariska ah??

Wali ma is weeydiisay Sababta Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda Dalku aad ugu jeclaayeen wadamadda Dariska ah??

Marna Qalbigaaga maku soo dhacdey Sababta Xildhibaano iyo Wasiiro la yaqaan loogu xanto inaay gacansaar dhow la leeyihiin Dowladaha Dariska ah??

Hadabba arintaasi waxeey in inta badan Madaxdii Dalka iyo Wasiiro, Xildhibaano iyo Shaqsiyaad caan ah lagu Sameeyey Blackmailing.

Wadamadda, Mareykanka, Ruushka, Ingiriiska, Eemaratka, Hindiya, Ethiopia, Rwanda iyo Kenya waa wadamadda aad u isticmaala noocaas asaga ah..

Waxaa jirra Shirkaddo qaas ah oo arintaas qaabilsan isla markaana lacag ka sameeya aduunkana waa arin la wadda ogsoon yahay!

Siyaasiga Soomaaliga ah haddii Cod laga duubo uma arko Fadeexad iyo ceeb laakiin hadddii laga helo Sawir uu qaawan yahay ama uu naag la jiifo wax walba waa uu u sameynayaa si fadeexadaasi usoo bixin!!

Inta badan Qolyaha ka shaqeeysta arimahaas hal wax ayey usku taxaluujiyaan inta badan inta aaysan qofkaas la xariirin.

Waxeey Baaritaan ku sameeyaan dabeecadihiisa dhanka Dumarka.Balwadda iyo Laaluushka..

Inta aan ogahay Waxaa igu maqaalo ah in ilaa Shan Wasiir oo Caan ah aay aad u jecel yihiin Baashaalka taasoo Halis ku ah Dalka iyo Dadkeena!

Ogoow wadamadda Dariska ah gaar ahaan Kenya Waxaan leeyahay Madaxdeey iska jirra..

Ogoow Hotelka aad degen tahay in aadan laheyn ee Sirdoon ama kooxda Waxaan ka ganacsataa aay kugu daba jiri karto..

Isjir inta aadan Qaranka Dagin!

WQ: Ali Yaasiin