Kooxo Burcad ah oo Muwaadin Soomaaliyeed ku dilay Galabta dalka Koonfur Afrika.

Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa gelinkii dambe ee Maanta waxa ay Gudaha dalkaasi ku dileen Muwadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku Ganacsata dalkaas.

Muwaadinka Soomaliyeed ayaa lagu dilay goobtiisa Ganacsi oo ku taalla Tuulada Paarl oo hoostagta Magaalada Cape Town,waxaana Alle ha u naxariistee lagu Magacaabi jiray Xuseen Muxumed Xasan.

Mid ka mid ah Soomaalida ku Ganacsatada koonfur Afrika ayaa sheegay in ka hor dilka Muwaadinka Soomaaliyeed ay isku-dayeen Kooxda Burcada aheyd in ay dhac u geystaan, hayeeshee uu ka biyo diiday taas oo keentay inay dhowr xabadood ku dhuftaan

Kooxa Burcada aheyd ee dilka geysatay ayaa Goobta ka baxsatay,waxaana Meydka Muwaawdinka Soomaaliyeed Goobta ka qaaday qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaalida oo deris la ahaa Wiilkaas Dhalinyarada ah ee la dilay.

Dalka Koonfur Afrika ayaa snadkan 2019 waxaa kusoo kordhay dilalka loo geysanayo Soomaalida ku Ganacsatada,waxaana weli jirin cid isku-dayday inay ka hor tagto dilalkaas ee labada dal Soomaaliya iyo Koonfur Afrika.