Dr. Abuukar ”Dowlada Kheyre Waa fashilantay, Farmaajo Waa inuu wax ka qabtaa…”

Xukuumada RW Khayre waa mid gabi ahaan iyo dhinac walbo ku fashilantay, hor’umar iyo daryeel bulshna aan midna laga sugi doonin.

MW M.C.Farmajo waajib dastuuri ah ayee ku tahay in uu badalo Xukuumadaan ku fashilantay waajibaadkii loo xilsaaray, wax qabadna aan lahayn.
—————————
Xukuumadda RW Khayre labada sano ay jirtay dhinac kasto ayee ku fashilantay, ma jirto hal dhinac aan farta ku tilmaami karno oo hor’umar laga gaaray ama nolosha shacabka kor loo soo qaaday.

Nolosha shacabka Soomaaliyeed maalinba maalinta ka dambayso ayee sii liidataa, Amniga iskaba daa in wax laga qabto, tii Caasimadda ayaa maalinba maalinta ka dambayso ka sii darayso oo dhimashada iyo dhaawaca waxay ka mid noqdeen noolol malmeedka shacabka.

75% shacabka Soomaaliyeed waa Dhalinyaro oo aan maanta haysan wax shaqo ah berrina mustaqbilkooda mugdi ku jiro.
Caafimaadka iyo faydhowrka warkooda ha sheegin waa laga dayriyay.

Waddanka guud ahaan gaar ahaana Caasimada sharci iyo nidaam ka shaqeeya ayaana jirin, Cadaaladii ayaa noqotay mid iibsi ah, Musuqa waa mid xargaha goostay oo gaaray in kuraasta Xildhibaanada ay beec noqdaan.

Hadii xaaladda waddanka uu yahay intaan soo sheegnay iyo in ka darran, waa maxay sababta uu weli RW Khayre meesha uu sii joogo, weli ma aan garan sababta uu MW Farmaajo Xukuumad Dhinac kasto ku fashilantay uu weli meesha ugu sii haayo.
Ma aan fahmin Xasan Cali Khayre oo waddanka la haray in uu sii ahaato RW.

Xukuumad aan lahayn barnaamij ay ku howlgasho, xukuumad Wasiiradeeda yihiin kuwoo aan aqoon, qibrad iyo karti midna lahayn,waa maxay waxa aan ka filan karno ama hor’marka aan ka sugi karno ama Waddanka ay gaarsiin karaan labada sano u hartay?

Fashilka ku yimid Xukuumadda X.C.Khayre iyo sababta ay muhiim u tahay in MW Farmajo uu u badalo Xukuumadaan fashilantay.

1) Dinaca Amniga
2) Dhinaca Adeega Bulshada
3) Dhinaca Caafimaadka
4) Dhinaca Waxbarashada
5) Dinaca Faydhowrka
6) Daryeelka Naafada, Caruurta iyo Dumarka (Hoyooyinka).
7) Dhinaca Cadaaladda iyo in kale oo badan.

Dott. Abuukar Nuur Xuseyn.