Daawo: Eng Yariisow oo xeer lagula wareegaayo dhulkii Ex-Marina soo saaray

Waxaa maanta uu soo saaray duqa magaalada Mogadishu xeer lagula wareegaayo dhulkii ay laheed dowladda oo ay dib ugala noqday dokumentiyadii dhulkii lagu bixiyey xarunta ciidamadda Badda ee Ex-Marina iyo xaruntii taliyaha Ciidamada Badda iyo ilaa dhanka danbe ee xeebta Liido

Engineerka oo arintaas ka hadlaayo Waxaa uu yiri: Waxaan soo saarnay Xeer lagula wareegay ama dib loogala noqday dokumentiyada loo sameystay dhulkii Xarunta Ciidamada Badda (Ex-Marino) iyo Gurigii Taliyaha Ciidamada Badda ilaa iyo dhanka danbe ee xeebta Liido bacdamaa ay goobtaas aheyd dan-guud markii horeba.