Waalidkaa, Walaalkaa iyo Saaxiibkaa!!!.

Waalidkaa, Walaalkaa iyo Saaxiibkaa Ma Dooli dhintaa?.( F.S:1aad)

Maanta waxaan U duceeyay, Qulhuwalena u Aqriyay, Adeerkeey Xiddgle Cabdullahi Xaji waxaa uu Ciidanka Ka tirsanaa 14 , waxaa lagu dilay Goriyoow dagaalkii 77.

Adeerkeey Ibrahim Xaji ( Xaji Kuwait) waxa Ku dhacay madfac ey isku ridayeen Beela Somaaliyeed, isaga iyo Gabadhiisa oo gurigooda dhax jiifo.

Waxa uu Ku biiray Xooga Dalka 1960, waxa uu Ka qeyb galay dagaaladii 1964 iyo 1977. Waxa kuu Ka Soo dagaalamay Eretereya isaga oo 3 Alifle ah, dhinaca Badda Cas ayuu Ka Soo galay, si uu u tababaro gobanimo doonkii Eretriya, waxaa laga reebay Document-igii Xooga Dalka si haddii la qabto aan loogu eedeeyn in Ciidamada Somalidu dagaalka Ku jireen.kadibna waxaa loo diray Gobanima Doonkii Angola iyo Musanbiig si uu dalkooda ugu Soo taba baro.

Runta haddii aan kuu sheego Anigu, Dagaalkii 77 kama qeyb qaadan, laakin tababarkii waan qaatay, waxaa la i baray Madaafiicda Goobta, Nasiib daro dagaalkii ayaa dhamaaday intaan la gaarin Waqtigii aan Ka qeyb qaadan lahaa.

Waalidkii, walalihii iyo Asaxaabtaadii Dagaalkii 77 maxaa lagu xasuustaa?. Cadawgii ey la dagaalamayeena maxaa lagu xasuustaa?

Cadawgii:

Maanta 6/3/2019 waxaa Banaabax farxadeed uu Ka dhacay Barxadda “Taalada Tiglachin ” oo lagu xassusto 300.000 Itobiyaan ah iyo 10.000 Cuban ah oo Ka qeyb galay Dagaalkii 77-78, waxaana la leeyahay waa maalintii guusha ee aan soomali jabinay.
Taalada waxaa dhisay Mengistu Haile Mariam , waxa eyna Ku taal Waddada “Churchill” ee magaalada Adis ababa, Ka Soo horjeedka Isbitaalka “Black Lion Hospital”, waxaa dhismaheeda Ku deeqay Dowladda Waqooyiga Kuuriya, kadib markii Itobiya ey Ka codsatay, ugu dambeeyna waxaa xariga laga Jaray oo la furay 12/9/1984. ( F.S: 2, 3 & 4aad)

Taaladaa oo Shacbaka iyo dhalinyarada hor Marayo ey Ku xasuusanayaan Dagaalkii 77 iyaga oo Ku leh: waa markii aan Somali jabinay, waa sida loogu sheekeeyay, waxa uu Ku Soo barbaarayaa isaga oo aaminsan in ey Somali jabiyeen, runtiina iyagaa jabay.

Geesiyaasheenii 77.

Annagu maxaan Ku xasuusanaa Geesiyaasheenii 77, ma arag Taalo u gaar ah oo loo dhisay, Masjid loogu magacdaray ” Masjidkii Shuhadada 77″ ma arag waddo ama isgool loogu magac daray, Maalin loogu Tala galay in lagu xasuustaa, xataa Aqal soomali. Isaga Niyeeyso “Taalada Daljirka dahsoon” oo Shibil iyo Xiidanba Ka dhexeeyso, Dhismaheeduna Ka horeeyay 77. ( F.S: 5 & 6aad)

Geesiyaashaasi ma Dooli dhintaa?

F.G: iga Raali noqo maanta 6/3/2019,waxaan Ka maseeyray sida Derisku u xushmeeyo Geesiyaashooda, iyo Sida kuweenii loo hilmaamay.

Fadlan u duceey, Qulhuwalena u Aqri dhamaantood.

Qore: Yahya Amir