Sagaal iyo tobon jir loo xiray inuu jabsaday sirdoonka Mareykanka

“Sagaal iyo tobban sanno isaga oo jira, ayaa xabsiga la dhigay, ka dib markii lagu helay in uu jabsaday Xisaabaadka Sirkoonka Mareykanka, oo uu xogo fara badan arkay, ama uu kashifay.

Waxaa jiray aabbihiis oo waayeela, kaligiina nool. Odeygu aqalka wuxuu ku dhex lahaa beer uu ku tabcado Bataatiga. Wiilkiisa ayaa saacidi jiray, laakiin, xabsi ayuu ku jiraa. Odeygii, wiilkii ayuu farriin yar u qoray, wuxuuna u sheegay, in uusan heysan qof caawiya, oo beerta u qoda.

Wiilkii ayaa aabbihiis farriin u soo qoray; Wiil dhug badan ayuu ahaa, ilaa uu gaaray heer loogu yeero “Dawac”. “Aabbe waxaa jira wax aad iyo aad u muhiima, oo aan ku dhex qariyey beerta, ee ka leexo, ha qodin, iska dhaaf, markii aan xabsiga ka soo baxo, baan kuu sheegaa.”

Ilaalladii iyo sirdoonkii oo la socday farriimaha ay isdhaafsadaan wiilka iyo aabbihii, ayaa si degdegga waxay u hareerreeyeen aqalkii yaraa ee odeygu degnaa. Beertii duqa ayey qodid ugu dhaqaaqeen. Waa qodeen, waxna ka ma helin.

Maalintii dambe, ayuu wiilkii aabbihiis farriin u diray; Wuxuu yiri; “Aabbe, waan filaa in beertii laguu qoday. Intaas uun baan awoodaa. Haddii aad adeeg kale iiga baahatid, igu soo wargali.”

Cabdicasiis Maxamed Shidane