Baarlamaanka Jubbaland oo Maanta cod buuxa ku ansixiyey Xeer muhiim ah.

Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta kal-fadhiga 4-aad kulankiisa 67aad ku yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka Jubbaland,iyaga oo ku ansixiyey xeer muhiim.

Kulanka ayaa waxaa xaadiray 43 Mudane,waxana kulanka uu shir guddoominayey Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Jubbaland ay Xildhibaanada dood dheer ka yeesheen Xeerka Biyaha dowlad goboleedka Jubbaland taas oo horey loo soo mariyay Golaha Wasiirada Jubbaland.

Dood dheer kadib Xildhibaanada ayaa waxa ay ansixiyeen xeerka Biyaha Jubbaland, sida uu fadhiga ka sheegay Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Habdhowrka Barlamaanka Jubbaland Axmed Iftiin Maxamed.