Meydka ruux dhalinyaro ah oo lagu arkay Muqdisho

Meydka wiil dhalinyaro ah ayaa Saaka lagu arkay Wadada Makah Al-Mukaramah ee Muqdisho gaar ahaan goobtii uu dhawaan ka dhacay Qaraxa iyo weerarkii Al-Shabaab.

Ciidanka Booliska ayaa saakay xilli halkaasi ka qaaday meydka wiilkaan dhalinyaradda ah, waxaana loo qaaday xarunta dambi baarista ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Dadka goobaha Ganacsiyadda ku leh goobta ayaa Risaala u sheegay in wiilkaan korkiisa aysan ka muuqan wax dhaawacyo ah, islamarkaana xalay markii la xiray goobaha ganacsiyadda ka dib halkaasi lasoo dhigay.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo Ciidanka Booliska oo ku aadan Meydkaan wiilkaan laga helay Muqdisho.