Ciidamo Mraykan iyo Soomaali isugu jira oo Duqeymo xalay ka Gaystay Deegaan ka tirsan G/Sh/Dhexe.

Muqdisho:- Wararka laga helaayo deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in xalay Ciidamada Xoogga iyo kuwa Mareykanka ah ay weerar iyo duqeymo ku qaadeen Saldhig Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobalkaasi.

Duqeymaha ayaa la soo sheegayaa inay ka dhaceen saldhigyo ay Al-Shaabab ku leeyihiin deegaanka Gamboole ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in khasaaro lixaad leh la gaarsiiyay Xubno isugu jira saraakiil iyo Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Dhanka kale ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay duqeynta iyo weerarkii xalay ka dhaca deegaanka Gamboole ee Gobalka shabeelaha dhexe.