Amniga Magaalada Kismaayo oo si aad ah loo adkeeyey iyo Kheyre oo ku wajahan saacadaha soo socda.

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ammaanka Magaladaasi si aad ah loo adkeeyay, iyadoo halkaas maanta oo Jimco ah la filayo inuu gaaro Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Shalay ayaa waxaa Magalada Kismaayo gaaray wafdi hordhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha iyo qaar ka mid ah ciidamada ilaalada khaaska ah ee Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya ayaa markii uu tago Magalada Kismaayo waxaa uu kulan la qaadan doonaa Madaxda ugu sareysa Maamulka Jubbaland oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Madoobe iyo mas’uuliyiin kale.

U jeedka Kheyre ee safarka Magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu qeyb ka yahay xalinta khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland oo mudo soo jiitamayay,waxaana la sheegay in arrintaasi ay ka Shaqeeyeen Xildhibaano ka tirsan labada Aqal.

Dhanka kale Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta ka duwan sidii hore,waxaana wariyeyaasha ku sugan ay soo sheegayaan in Ciidamada Jubbaland ay Maanta siweyn u adkeynayaan amniga Magaalada,isla markaana lagu arkayo wadooyinka m,uhiimka ah ee Magaalada Kismaayo.