Ciidamada Dowladda oo Magaalada B/Weyne ku soo bandhigay Walxa Qarxa oo ay soo qabteen.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Magaalada Beledweyne kusoo bandhigay waxyaabaha qarxa ka dib howlgal ay ka waddeen Saacaddihii ugu dambeeyay.

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale sheegay inay toogteen ruux Miino ku aasaayay Xaafadda Howlwadaag ee Magaalada Beledweyne, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen Waxyaabaha Qarxa.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay qoryo iyo rasaas ay ka soo qabteen guri ku yaalla Magaalada Beledweyne intii uu socday howlgalka.

Hubka ay soo bandhigeen ayaa waxaa ka mid ah ahaa Qori AK 47 ah oo la sheegay in uu watay ruuxa Miinadda Aasaayay.