Xildhibaan Fiqi ”Heshiiska Farmaajo iyo Uhuru mugdi ayaa Ku jiro…”

Waxaan wada aqriyey xogta ka soo baxdey kulankii masaafada dheer iyo xawaaraha sarreeya loo soo jaray ee dhexmarayey Madaxweynayaasha Soomaaliya Farmaajo iyo Kan Kenya Uhuru dhexmaray uuna nabadoonka ka ahaa Abiy Axmed.

Warka dhanka Madaxweyne Farmaajo ka soo baxey waa mid kooban oo u muuqda inuu marin habaabinayo umadda, shakki badanna abuuraya sida uu u qornaa oo sheegaysay “inuu ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal” asagoo madaxweynuhu nooga dhigayo in waxa muranka ka dhex dhaliyey labada dal iyo kiiska baddu ay kala duwan yihiin.

Arrintani waxey i soo xusuusinaysaa markii Qalbi Dhagax ay dawladda Soomaaliya dhiibtay oo ay noo sheegeen muddo la qarinayey ka dib, in wadahadal uu kula jiray dawladda Itoobiya uu ku tagay ee aysan jirin wax dhiibid ah, laakin si la mid ah waxa maanta dhacaya oo kale wasiirka warfaafinta Itoobiya ayaa voa-da ka sheegay in dawladda Soomaaliya ku soo wareejisay Qalbi-dhagax, maantana war ka soo baxey xafiiska PM Abiy Axmed ayaa soo sheegaya “in laga wadahadlay xudunta mushkilada u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya”.

Madaxweyne Farmaajo markaan lagama sugayo in uu yiraahdo dhulkii ayaa wadahadal uu la galay Kenya ku baxey sidii Qalbi-dhagax oo kale. Waxaase la ga sugauyaa in booqashadiisa iyo wadahadalkiisa uu mugdiga weyn ku hareeraysan yahay uu umadda faahfaahin ka siiyo.

Xildhibaan Axmed Mocalin Fiqi