Xaalada siyaasadeed waa Aan ooyee albaabka ii xira

Waxaa sharaf dhac ku ah dalka, ceebna ugu Filan Dadka soomaaliyeed ee dega Geeska Afrika In hogaamiye noocan ah uu Isticmaalo magaca Qawmiyada soomaaliyeed, xagee lagu arkay Arinkan ama Taariikhda soomaaliyeed

Aan dulucdeyda idiin taabto, Dawlada kenya waxey xoog ku dooneysaa baddeena, sidoo kale Dawlada itoobiya iyaduna waxey xeelad & xoog ku doonaysaa baddeena iyo Dekadaheena Ay Shacabka soomaaliyeed dhisteen 100 sano ka hor

Sidaa daraadeed waa nasiibdaro weyn iyo Siyaasad xumo In Madaxweyne Farmaajo inuu si fudud caawa u Tago Magaalada Nairobi isagoo uu wehliyo RW Ethiopia , dhanka kalena aan aan weli safiirkii soomaaliya ee Kenya inoo fadhiyay loo ogolaan inuu shaqadiisii diplamaasoyadeed ku soo noqdo
Waa ceeb arinkaani ee hala ogaado

Safiirka Soomaaliya u fadhiyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo magaalada Nairobi joogi in Madaxweyne Farmaajo tago kenya waa arin aan waa faqsaneyn dawlad wagaaga iyo sharafta safiirka.

Waftiga la socda Madaxweyne Farmaajo
Waxay kala yihiin

1) Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda,

2 )Safiirka Soomaaliya dalka Ethiopia
Safiirka soomaaliya EU Amb. Cali Fiqi,

3) La Taliyaha Arrimaha Siyaasadda Balal Cusmaan

4La Taliyaha Arrimaha Badda Eng. Saalixi.

Safiirka soomaaliya ee Kenya Axmed Nuur Tarsan maxaa waftiga looga reebay? Kooxda Villa somalia way ogeed socdaalka dalka Ethiopia inuu yahay khilaafka arimaha ee somalia iyo kenya? aaway wasiirka Arimaha dibada? koox iyo nin Jeclaysi dal lagu ma hogaamin karaa.

Mugdi badan ayaa ku jira qodobada labada dhinac ka wada hadleen oo ay ku jirto arrinta Badda ee Kenya iyo Somalia oo ay dowladda Itoobiya dooneyso inay dhex dhexaadin ka dhex bilowdo labada dal

Dawlad dhexdhexaada waxaa lagu yaqaan
shirka wuxuu ka dhacaa delkiisa
hadii Raysal wasaare Abiy Ahmed arinkan daacad ka yahay khilaafka somalia Iyo kenya ee hada jira maxaa adidas ababa loogu shiri waayey.

Su,aalo badan shacabka ku jawaab uma hayaan arinku siyaasada ee waqtigan Madaxweyne Farmaajo ku hogaaminayo Qadiyada Xaalada siyaasadeed ee soomaaliya
waa Aan ooyee albaabka

Madaxweyne Farmaajo waa hogaamiye Raysal wasaare Abiy Ahmed uu ku ciyaaro soo bax aa Nairobi Tagnee#

R/wasaaraha Itoobiya waa guuleysatay; haddiiba uu Helay Madaxweyne soomaaliyeed oo ka mid noqdey Shaqaalaha xafiiskiisa
DALLAD -ay Ethiopia Madax loo saaray.

Madaxweyne Farmaajo Nairobi inuu Qosol lagee geesaha laga meesha mataalo dhulbadeedka aan dawlada kenya boobayso walee Qosal kuma qaadsto.

Dadka Qaar Taageero weyn u haya
hogaanka liita ee Madaxweyne Farmaajo
Waa dad Musuq maasuq dartii Qawmiyada soomaaliyeed u iibsadey.

Danjire Mahamed Caalim