Warbixino iyo Sirdoonka ( Wargeyska…)

Wakaalladda wararka ee Faransiiska ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan ( AFP ) ayaa waxay laga soo weriyey dhowr warbixino ooy ku falanqeyneyso Arrimaha bariga dhexe iyo Afrika.

Waxay warbixinteeddii ku bilowday shirkii ka dhacay Masar- Sherm el Sheekh 24-25 Febraury ulajeedda ugu weyn iney aheyd sidii loogu diidi lahaa in fursad ay helaan China iyo Russia ( inroad ), ka dib markii Mareykanka faraha ka laabtay ( desengage ) danahoodda.

Shirkii saddex geesoodka ee ka dhacay Eritrea-Asmara ee u dhexeeyey dalalka Ethiopië, Eritrea iyo Kenya in ujeedda aheyd in Kenya lagu cadaadiyo sidey uga mid noqon laheyd federalka weyn ee geeska Afrika ( confederalisme ), iney dib uga noqoto damaca kaga jira Somalia, iney tixgelin ( ixtiraam ) siiso qarannimadeeda iyo xalinta iska hor-imaadyada ka dhexeeya dhanka xuduudaha.

Sida wararka lagu sheegay in shirkii Sharm el Sheekh uu ahaa mid looga wada hadlay baahidda ama cabsidda labada dhinac ay qabaan oo kala ah; hijradda aan sharci aheyn iyo argagaxisada dhanka Yurub iyo maal-gelinta iyo teknoolijiyada dhanka kale.
Shirkii Asmara marnaba ma aheyn mid ay beesha caalamka cadaadis ku saareyso Somalia iyo in laga saaro waaqica siyaasadeed ( geo-politics ) gobolka, ka dib markey erisay wakiilkii qaramadda midoobay.
Sida taariikhda ku xusan Somalia weligeed waxay aheyd xarun ganacsi, marka loo fiiriyo
( eego ) meesha ay dhacdo iyo kheyraadka ilaah siiyey ( strategical position & resource ).