Tanzania: 65 falaanfalow oo xabsiga la dhigay

Booliiska dalka Tanzania ayaa xabsiga dhigay 65 falaanfalow, oo qaab daawo dhaqameed ah wax ku daaweeya, waxaana lala xiriirinayaa dilka ugu yaraan 10 caruur ah.

Caruurta ayaa la laayey bishii January qaar badan oo kamid ahna xubnahoodii ayaa la jarjaray.

Waxaana jirta caqiido ay rumaysan yihiin qaar kamid ah dadka reer Tanzania, iyo qaar kale oo ku nool dalalka dariska la ah, taas oo ah in qaybo kamid ah jirka biniaadamka loo adeegsado cibaado ahaan ay keenayso hodontinimo iyo nasiib wanaag.

Dambibaaraha guud ee booliiska, Simon Sirro, ayaa amar ku bixiyey in cid kasta oo daawo dhaqameed wax ku daawaysa ay la timaaddo rukhsad.

“Waxaan sidoo kale ka codsannay hay’adaha kale sida hoggaamiyeyaasha diinta, iyo siyaasiyiinta in ay na caawiyaan,” ayuu intaas ku daray.

Toban carruur ah ayaa lagu dilay gobolka Njombe ee kuyaal koonfurta Galbeed ee dalkaas waxaa sidoo kale carruur aan tiradooda la xaqiijin lagu dilay gobolka Waqooyiga dalkaas kuyaal ee Simuyu.

Mid kamid ah carruurtaas oo lagu magacaabi jiray, Goodluck Mfugale, ayaa jiray shan sano oo kaliya markii la dilay, waalidkiis ayaa BBC-da u sheegay in canugooda mustaqbalkii laga lumiyey.

Waxaa jirta caqiido gaar ah oo ku aaddan in xubnaha jirka ee dalka dubka cas ay xoojiyaan cibaadada, arrintaas oo keentay in dad badan la dilo.