Axmed Alasow ”Ciidamadda Hubka Halaga Dhigo…”

CIIDAMADA HUBKA HA LAGA DHIGO

Somaliya waxay mareysaa meeshi ugu xumeydee wadan gaaro xagga amniga. Dhibaatada heysata ummadda waxaa ugu daran in la soohubeeyay niman aad moodo in looogu tala galayinay umadda laayaan wax naxariis ahna aysan u falin. Maanta oo Isniin ah waxaa ciidamadahubeysan ee magaalada dhex socda waxaydileen in ka badan seddax qof oon wax dembiah geysan.  Dembileyaashii dadkaas dilay waaxur meeshey doonaan maraaya cid wax u qabsatayna aysan jirin.

Arrinta ugu xun ee Muqdisho ka dhacda waainay ciidamadu sidi ay doonaan u toogtaan dhallinyarada wada Bajaajada oo sidi tisxigaloo laayo. Askarta dembiga gashana loomaqabto dhiiga ay gardarrada kudaadiyaan… waxaad moodaa in darawalada Bajaajta uu dhiigoodu xalaal yahay.

Dalka Talyaaniga wuxuu soo maray marxaladaad u xun oo ay heysten niman lagu magacaabo Brigata Rossalaga soo billaabo 1969 – 1980 ooy gaareen heer ay af-duubaan Raiisul wasaarecan ahaa Aldo Moro oo mar la daalay meydkiisilaga helay baabuur meel yaala dabaiis (portabagaglio) la so gelshay.  Xilligaas waxaa la soorogay in ciidamadiCrabinierihubka lagadhigay lagana mamnuucay inay hub ku sitaan magaalooyinka ilaa loo adkeysan waayay dhibaatada ku dheceysay ciidasmaddaas oo cid waliba ay ku qeylisay in hubkoodi dib looogusoo celiyo si ay u daafacaan naftooda iyo tan dadweynaha.

Ciidamada dariiqyada taagan weligood lama kulmin Shabaab waxayna laayaan dadweynaha masaakiinta ah. Ilaa iyo haddana ma dhicinlamana arag hal askari oo loo qabtay dil uugeystay ama Maxkamad la soo taagay… waxaala yiraahdaa askariga dilka geystay waa baxsaday warkiis damabana lama maqlo!!!.

Si umadaan looga badbaadiyo DIALKA MICO-DARRADA AH OO KU SOO BATAY DALKA,  SIIBA XAMAR, WAA IN CIIDAMADA HUBKA LAGA DHIGAAKUWI DILKA GEYSTAYNA LA SOO QABTO LANA MARSIIYO MUDANKOODA. WAA HADDII AY CADAALAD JIRTO. HOWSHAAS WAXAA LAGA RABAA INUU FULIYO JENERACABDULLAAHI BARIISE OO MAR KASTA U CUDURDAARA CIIDAMADA DADKA LAAYA.

Wixi aan ku gefay ha la ii cafiyo, wixi khalad kujirana ka saxa adinkoo mahadsan.

Axmad Calasow