Jeremy Hunt oo ka digay in uu burburo heshiiskii Xabad joojinta ee Yemen

Dekadda xudayda ayaa ah halbawlaha aasaasiga ah ee nolosha saddex meelood meel dadweynaha reer Yemen, dadkaas oo macaluul qarka u saaran.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain, Jeremy Hunt, ayaa sheegay in 80,000 oo kamid ah caruurta dalkaas ay macaluul la ildaran yihiin.

Waxa uu intaas raaciyey in 20 milyan oo kamid ah dadweynaha reer Yemen ay macaluul qarka u saaran yihiin. Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in ugu yaraan 6,800 oo rayid ah ay ku dhinteen colaadda dalka Yemen, halka 10,700 oo qofna ay dirirtaas ku dhaawacmeen.

Sacuudi Carabiya iyo imaaraadka Carabta ayaa hoggaaminaya isbahaysi go’doon galiyey qayb ahaan dalka Yemen, kadib markii Madaxweyne Abdrabbuh Mansour Hadi ay fallaagada Xuutiyiintu ku khasbeen in uu dalka isaga cararo. Fallaagadaas oo dawladaha Suniyiinta ah ay u arkaan Quwad wakiil ka ah Iran oo ah awoodda Shiicada ee gobolka.

Ka bixitaanka Hudaydah ayaa ahaa qayb muhiim ah oo kamid ah heshiiskii xabad joojinta ee bishii December lagu kala saxiixday dalka Sweden. Waxaana looga gollohaa in la qabto wadahaddallo ballaaran oo lagusoo afjarayo loollanka qaatay mudada afarta sano ah.

Heshiiska ayaa waxaa kaloo ku jiray in la siidaayo kumanaan maxaabiis ah, arrintaas oo aan wali dhaqan galin.

Mr Hunt oo ah, wasiirkii arrimo dibadeed ee ugu horreeyey ee ka socda reer galbeedka ee booqasho ku taga dalkaas tan iyo markii uu loollanku biloowday, ayaa sheegay in labada dhinac ay haatan haystaan fursaddii ugu dambaysay.

Hadalkan ayuu ka jeediyey magaalada dekedda leh ee kutaal Koonfurta Ymen ee Cadan, oo ay gacanta ku hayso xukuumadda Yemen, wuxuuna ku boorriyay dhinacyada ishaya in ay u bareeraan khatarta lagama maarmaanka ah si nabadda loo ilaaliyo.