Allegri oo fariin u diray Atletico Madrid, kadib guushii ay xalay ka gaareen kooxda Napoli

Macalinka reer Talyaani iyo kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri ayaa xaqiijiyay in Bianconeri ay dagaalami doonto ilaa iyo dhamaadka ciyaarta, kulanka soo aadan lugta labaad wareega 16-ka ee tartanka Champions League ay kula ciyaari doonaan Atletico Madrid, si ay ugu gudubto wareega xiga.

Massimiliano Allegri ayaa kadib guushii ay xalay ka gaareen kooxda Napoli, wuxuu ka hadlay kulanka soo aadan ay kooxda Atletico Madrid ku wada ciyaari doonaan 12-ka bishan Maarso, lugta labaad wareega 16-ka ee tartanka Champions League.

“Waxaan u baahanahay dulqaad badan, waa inaan iska saarnaa cadaadiska jira, sababtoo ah waa kaliya kulan kubada cagta ah, waxaan u baahanahay inaan isku deyno inaan helno fursado badan”.

Allegri ayaa hadalkiisa intaas sii raaciyay in kooxda Juventus aysan si sahlan kaga hari doonin tartanka Champions League.

Waxaa xusid mudan in kulanka lugta hore ee wareega 16-ka tartanka Champions League ay ku wada ciyaareen kooxaha Atletico Madrid iyo Juventus garoonka Wanda Metropolitano uu ku soo idlaaday 2-0 ay ku awood sheegatay kooxda reer Spain.