Qeyla dhaan laga soo saaray kooxo dalxiisayaal ah oo ku sugan degmada Warsheekh

Degmada Warsheekh oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe waxaa maalmahaan ku soo badanayay kooxo dalxiisayaal ah oo isugu jira qurbajoog iyo fannaaniin dhammaantood dalka dib ugu soo laabtay, kuwaasi oo iyagu degmada ku soo kordhiyay dhaqamadii ay ku hayeen dalalka Yurub.

Sheekh C/raxmaan Macallim Axmed oo ka mid ah culumaa’udiinka degmada Warsheekh isla markaana horay Guddoomiye uga soo noqday degmadaasi oo la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa ka hadlay dhibaatooyin uu sheegay inay degaanka ku hayaan kooxaha qurbajoogta ah oo degmadaasi dalxiiska ku joogta.

“Bulshada ku dhaqan degmada Warsheekh waxay aad ula yaaban yihiin dhaqamada xunxun iyo fisqiga foosha xun oo ay la yimaadeen dhallinyaro qurbajoog ah isla markaana dhahaya dalxiis ayaan u nimid” ayuu yiri Sheekh C/raxmaan oo sheegay in gabdho qaaqaawan iyo wiilal ay gaaf wareegayaan magaalada gudaheeda iyo hareeraheeda.

Sheekh C/raxmaan ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka, maamulka Hirshabelle iyo maamulka gobolka Sh/dhexe inay arrintaasi wax ka qabtaan isla markaana degmadooda laga raro dhallinyaradaasi.

Waxaa kale oo Sheekh C/raxmaan Macallim Axmed sheegay in bulshada ku dhaqan degmada Warsheekh ay layaaban yihiin fasahaadka iyo fool xumada ay degaanadooda ku wadaan kooxahaan dhallinyarada ah ee isugu jira wiilal iyo gabdho, wuxuuna tilmaamay in shacabka ay ku hayaan walaac aad u weyn.