Maqaal: Shan wiil oo xukun dil lagu xukumay, Ma cadaalad bay u dhacday mise?

Dowlad goboleedka Daludug (Buntland) ayaa maanta (Sabti 3/3-2019) ku xukuntay dil toogasho ah, 5 wiil oo da’doodu ay u dhexeyso 18-19 jir. Sababtuna waxay ahayd inay kufsadeen gabarta magaceeda lagu sheegay Rooda (Xukunka kuma cadda iney naftana ka qaadeen inan dhalinyaro ah oo 16 jir ahayd). Falkaasi sida ku cad maqaalka aan soo raaciyay (link), wuxuu dhacay isla maalintii la kufsaday lana kaxeystay inantii 12 jirka ahayd ee Ca’isha lagu magacaabay (meydkeeda waxaa la keenay sabtidii 23/3-2019). Waad garan kartaan degdega maamulka ku jira iyo in Facebook laga xukumo. Jimcihii 22-kii feberaayo ayuu dhacay falka, jimcihii kalena shalay bay ahayd. Maanta oo sabti ahayd 2 maarso-2019 xukunkoodii baa la soo saaray. 8 maalmood gudadhood ayaa lagu qabtay, lagu xiray, lagu wareystay, dembibaaris lagu sameeyay, dembi lagu soo oogay (xeer ilaaliyaha) isla markaasna lagu xukumay? Ma isleedahay cadaalad bay mareen?

Xukunka waxaa ku cad surat Maida, ayadeeda 33-aad. Sharuudaheedii mala buuxiyay? Tacsiir miyaa mise waa xuduud? Diintu wey caddahay! Marqaatiga kufsiga iyo sinada ma sahlana. Wiilashu ma iyagaa qirtay mise waa lagu qasbay? Degdega maxaa keenay?

Waad u jeedaa in maxkamadda Facebook laga xukumo. Ma aha in dareen ina qaado. Sharciga waa loo hogaansan yahay, laakiin ma aha in marmarka qaarkood laga talaabsado. Sida warqadda maxkamadda ka muuqata waxay xitaa soo dhameystiri waayeen xukunkii oo qoraal ah…….Warqadda waxaa ku qoran inay dib ka keeni doonaan, laakiin dil lagu xukumay hada. Waxay sugi waayeen inta ay xukunka ka qorayaan. Ileyn wax ay Facebook geliyaan bay rabaane.

Si fiican ii faham. Waxaan ahay aabe soomaaliyeed oo dhalay gabar/inan. Ma cafin lahayn dembiga noocaas ah (ilaahay iima keenee). Waa sax in la xukumo balse waa in ay iyaga dembiilaha loogu tuhmay laftoodu cadaalad helaan. Ma garaneyno kii gabadha nafta ka qaaday! Kii u sahlay! Kii kufsaday, intaba.
Xukunku cadaalad ma ahayn! Aniga wuxuu iila egyahay dulmi hor leh. Kuwiina u sacabo tumaaya, ma fahamsanidiin sharuucda dalka iyo maamulka dowladnimo. Sharcigu uma ogola xukunka noocaas oo kale ah. Waad arki doontaan markay maxkamadda sare tagto. Diinta islaamka xitaa ma qabto xukun caadifadeysan! Sidee rabtaan?

Hadaad taageertaan xukunkaan, hadhoow ha dacwoonina markii dowladdu dembi idiinka gasho. Idinkoo caynaya yaan idiin arkin.
Dembiga ay dhalinyaradu lagu eedeeyay sinaba looma difaaci karo (waa hadey galeen). Waa khalad! Kun iyo kow jeer! laakiin waa in sharciga loo maraa, ma aha in Facebook laga hogaamiyo. Maanta waxaan dhalinyarada ku eedeyneynaa ineey sharcigii jabiyeen oo ay baalmareen, hadii aan anagana sidaan rabno yeelno oo sharcigii jabino ma soconeyso.
Xukunkaasi wuxuu ku saleysan yahay olole Facebook. Ma aha mid diini ah, ma aha mid dastuuri ah, wuxuuna kasoo hor jeedaa sharciyada aduunka (International law). Waxaana igu balan ah inaan meel walba dacwad ka geeyo si gabadhaasi ay u hesho xuquuqdeeda. Maba aaminsani in dadkaani yihiin kuwii saxda ahaa. Filin iyo sheeko bay wadaan. Waxaan ka bilaabi doonaa Amnesty International Iyo hay’adaha caalamiga ah. Xukunkaan ma aha mid qoyska gabadha siinaaya xuquuqdoodii muwaadinnimo. Waa mid siyaasadeysan oo duminaaya jiritaanka dowlad goboleedka Daludug. Wuxuu ka soo horjeedaa oo uu duminaayaa sharciyadii lagu heshiiyay ee Daludugna lagu dhisay.

Ma hubno midka wax dilay. Waxaad u moodaa inuu xukunkaan diyaarsanaa. Dadka xukunka ridayna aanay maskaxda ka shaqeysiinin. Maamulka waxbuu qarinayaa oo uu la degdegayaa.

OGOW: Dadka la xukumay IYO dhibanayaashuba ma aqaan, ehel lama ihi, weligeyna ma arag! Dhexdhexaad baan ka ahay.

War sidaan ma aha habka looga hortago tacdiyada dumarka. Wiilasha iyo ragga guud ahaan waa iney bartaan ixtiraamka xuquuqda dumarka. Ma aha in xalku noqdo cabsi, dil, argagax iyo xukun aan sharci ahayn. iyo Facebook status.

Ma aha xukunka dilka ah inaa ka soo horjeedo oo keliya. Waxaa luntay ilaalintii sharciga iyo kaladambeyntii dastuurka Daludug. Maanta Daludug waxaa maamula Facebook! War xitaa ma hubno in wiilasha lasoo qabtay ay yihiin kuwii runta ahaa. In lagu qasbay Inay qirtaan?

War caqligii saliimka ahaa xagee idiinka aaday? 5 maalmood qof la haayey laguma dhameystiri karo baaritaan dembi oo dowladeed. Hadeey sidaas degdega ah u shaqeeyaan maxey u keeni waayeen dad badan oo la dilay dembiileyaashoodii? Dilal badan oo qorsheysan baa ka dhaca Magaalada Bosaso todobaad walba. Aaway dadkii Dilay kuwaas shacabkii reer Boosaaso?

Qoraalkeygii hore waan ka saaray sabatoo ah ma hubin waxa aan qoray. Ka dib markaan la tashtay wadaado cilmiga diiniga u saaxiib ah. Waxaan isku waafaqnay in xukunkaan degdega ah u eg yahay mid aan waafaqsaneyn diinta. Xitaa kufsiga aanan lagu cadeyn eedeysaneyaasha. Maadaama ay cuskadeen suurada Maidah ayadeeda 33. Dhegeyso VOA/Garoowe-online wixii dheeraad ah iyo Warqaddii maxkamadda.

På Somaliska. Dowlad goboleedka Daludug (Buntland) ayaa maanta (Sabti 3/3-2019) ku xukuntay dil toogasho ah, 5 wiil oo…

Posted by Yassin Abdullahi Abdi on Saturday, March 2, 2019

Xor baad u tahay inaad faafisid.
Mahadsanid
Yassin Abdullahi.