Madaxweyne Xaaf:“Taag-darri in loo qaato ma ahan Dulqaadka iyo u turidda Dowladda Galmudug..”

Muqdisho:-War-Saxaafadeedka ka soo baxay Maamulka Galmudug ayaa waxaa looga hadlay ciidamadii xalay la wareegay madaxtooyadii hore ee Galmudug ee Magaalada Cadaado.

“Taag-darri in loo qaato ma ahan Dulqaadka iyo u turidda Dowladda Galmudug. Galmudug marna gorgortan kama galeyso amnigeeda iyo wadajirka deegannadeeda, Waxaan ugu baaqaynaa shacabka Galmdug meel kasta oo ay joogaan inay nagu gacan-siiyaan difaaca deegaankooda iyo midnimada dowladdooda’ sidaasi ayaa lagu yiri qoraalka Warsaxaafadeedka Galmudug ka soo baxay.

Dhanka kale Beesha Caalamka ayaa loogu baaqay inay hubiyaan in taageerada ay Soomaaliya siiyaan loo adeegsan burburinta iyo colaad hurinta Soomaalida dhexdheeda.