HORDHAC : Everton VS Liverpool ? wax kasta oo ku saabsan Merseyside derby ka hor inta aan la baasan .

Kani waa Merseyside derby waxaa wada ciyaara kooxa isku gobolka ka dhisan ee Liverpool iyo Everton waa kulan xamaasad badan lehna taariikho soo jireen ah iyo cadowtinimo qoto dheeer.

Garoonka Goodison Park ayaa marti gilin doona ciyaartan oo ay ku ciyaarto kooxda Everton , Liverpool ayaa guul ku dhameesaneysay kulamadii ugu dambeyey ee Merseyside derby.

Liverpool ayaa iska ilaa lineysa in ay lumiso ugu yaraan dhibac qura xitaa oo u sahli karta in kooxda Man City ay gabi ahaanba la waregaan hogaanka horyaalka oo ay hadaba qaab ku meel gaar ah ay kaalinta sare ku fadhiyaan.

Wararka labada koox ka hor kulanka:

Everton aya dib safkeeda ugu soo dhaween doonta xidigeeda khadka dhexe ee Andre Gomes kaas oo la nasiyey kulan ciyaareedkii ay guusha ka gaareen kooxda Cardiff.

Leighton Baines waa xidiga kaliya ee ka maqan kooxda Toffees’ waxa uuna qabaa dhaawac mudo bil ah ayuuna garoomada ka maqnaan doonaa.

Liverpool ayaa ku rajo weyn in Roberto Firmino uu diyaar u noqon doono kulankan waxa uuna ka soo laabtay dhaawac canqowga ah isag oona seegay kualnkii arbacadii ay la qateen kooxda Watford.

Dejan Lovren ayaan kullankan diyar u aheyn balse waxaa laga yabaa in adeegiisa la helo kulan ciyareedka ay soo dhaweenayaan kooxda Burnley dhamaadka asbuuca dambe.

Ogeysiiska ciyaarta :

Kulanka : Everton VS Liverpool ( Premier League )

Goobta : Goodison Park

Goorta : 7:15 oo habeenimo

Garsoorka : Martin Atkinson

Xaqiiqooyinka ciyaarta laga diwaan giliyey :

Kooxda lagu naaneeso Toffees ayaa guul la’aan ah 18-kii kulan ee lasoo dhaafay oo ay wajahday kooxda Liverpool dhamaan tartamada (9-bareejo iyo, 9-qasaaro), waana guul la’aanteedii ugu dheereed ee Merseyside derby.

Everton ayaan guul gaarin 24-kulan oo ay wajahday kooxaha lixda ah ee ugu sareeysa horyaalka tan iyo markii ay ka badiyeen kooxda Manchester City ciyaar ku dhamaatay 4-0 oo dhacday January 2017 wixii waqtigaa ka dambeyey Everton ayaa loo diwaan giliyey (6-bareejo, 18-qasaaro).

Dhibacaha kooxda Liverpool ay ka heysato horyaalka oo ah 69-dhibcood ayaa ah in kabadan 16-xiliyaareed oo hore dhibcaha ay ka heli jirtay.

Mo Salah ayaa horey u dhaliyey 49 goal 64-kulan oo uu ciyaaray Premier League isag oo xiran maaliyada kooxda Liverpool , hadii u dhaliyo kulankan waxa uu noqon doonaa xidigii ugu dhaqsiyaha badnaa ee koox u dhaliyaa 50-gool taariikhda .

Jurgen Klopp ayaa guul daro la’aan ah 7-kulan oo uu wajahay kooxda Everton dhamaan tartamada (5-guul, 2-bareejo). Kaliaya Bob Paisley (10 – badiyey) iyo David Ashworth oo (8-jeer badiyey ) ayaa kaga badan rikoorka ugu dheer ee guulo marka la wajahayo kooxda Toffees.