Lammaane Caddaan ah oo dilay Wiil Soomaali ah oo Maxkamad lasoo taagay

Maxkamad ku taalla dalka Ingariiska ayaa waxaa kasoo hormuuqday Lammaane u dhashay dalkaasi kuwaasoo lagu eedeeyay in ay dileen Wiil dhalinyaro ah oo asal ahaan kasoo jeedda dalka Soomaaliya, laakiin ku barbaaray dalka Ingariiska.

Stacy Docherty, oo 28 jir ah iyo Gary Hopkins, oo 37 jir ah, ayaa lagu soo oogay dilka Cabdi Cali oo ah Wiil Soomaali ah oo dalkaasi lagu dilay afar maalmood ka hor Cidii Christmas-ka ee 2017-ka.

Lammaanahaan ayaa dilay Cabdi Cali, waxaana dilkiisa ay u adeegsadeen Mindi, Meydkiisa ayay ku guri ku yaalla Waqooyiga London ku haayeen Muddo dhowr Maalmood ah.

Garsoore Gareth Patterson ayaa sheegay in dilka Cabdi Cali ka dambeeyeen labaddaan ruux, waxaana uu sheegay in ay doonayeen in ay ka dhacaan lacago ay ku aadaan maalmaha Ciida Karismiska.

Lammaanahaan ayaa qirtay dilka Wiilka Soomaaliga ah, waxaana ay sheegeen in uu weerar kusoo qaaday xilli uu isticmaalay waxyaabaha Maanka dooriya.

Maxkamadeynta Lammanahaan ayaa sii socon doonta maalmaha soo socda, waxaana suurtagal ah in lagu rido xukun adag.