Faallo: Qurbo Joog Ammniga Muqdisho Yaan Lagu Aaminin

Bismilaahi Raxamaani Raxiim.
(Asalaamu Calaykum Waraxmatullahi)
Salaanta Barakaysan Kabacadi.
Faallo:  Qurbo Joog Ammniga Muqdisho Yaan Lagu Aaminin

Allaha U Naxariisto Dhamaan Shacabka Somaaliyeed ee ku geeriyooday Weerarkii lagu qaaday Labada Hotel Ee Muqdisho ku yaalo inta dhaawacamay Allaha Caafiyo inta ku Hanti weysay Allaha Sii Hanti kale oo Barakeysan.

Hadii la Waayo Ammni iyo Nabad Galyo waxaa adkaan doonto Qaab Salaada Alle lagu tukado oo meel aan Nabad ka jirin laguma nolaan Karo sidaas daraadeed si Aan Amni u helo waa in Aan ka Shaqeynaa Qaabka aan Amni Buuxo ku heli laheen.

Hadii Madaxada Qaranka iyo Shacabka Somaaliyeed is Aaminin waxa Ammni ah lama heli doono Maalin kasto waxaa dhaceyso Nin iska Qurbo joog ah aan kala Aqoon xaafadaha Magaalada Muqdisho in loo Dhiibo Amaanka Caasimada Waxaana laga dhaxalaa Shacab Shakisan iyo Shabaab ka faaiideesto.

Dowladda Somaaliyeed Awoodeeda waxey ku kooban tahay Villa Soomaaliya oo ah Madaxatooyada Dalka looga aramiyo Amni xumida ugu weyn waxey ka jirta Magaalada Muqdisho oo dhan Waxaana Sabab u ah in Hogaanka Amniga loo Dhiibo Shaqsi aan Aqoon waa Maxay Ammni? Iyo Gabar aan kala Aqoon xaafadaha Magaalada aana qeexi Karin Sidee Amni loo xaqiijiyaa.

Dowladda Markey ku Guul dareysatay in ee Amaanka Muqdisho u dhiibto saraakiisha aqoonta u leh Amniga Waliba wadaniyiinta ah aan dalkooda ka Bixin waxey fursad weyn u Noqotay Kooxda Al-Shabaab, kuna dhiiradaan in ee xasuuqaan Shacabka Somaaliyeed qeybihiisa kala Duwan Waxaan wali xasuustaa dhacadadii 14-October Sanadkii 2017 dhacadadaasi waxey nagu reebtay Murgo aad u weyn waxaan ku weynay ugu yaraan 900 Ruux.

Sidaas daraadeed hadii Dowlada Laamaha Amaanka Dalka ka joojiso Qurbo joogta una dhiibto Qoraxa joogta aqoonta iyo kartida u leh waxaa yaraan doonto Qaraxayada, Dilalka Qorsheesan, Afduubka, IWM.

Raisal Wasaaraha Soomaaliya waxaa qorshiihsa Ka mid ahaa Tubta Amniga Qaranka waxey ila tahay hadii tubta Amniga Qaranka lagu soo daro Tubooyinkaan in Magaalada Muqdisho Amaan ku so laaban doonto Waxaana ka mid ah :.

  1. Waa in aan Amniga Qaranka loo dhiibin Qurbo joog aan wadanka Amnigiisa iyo Xaalkiisa waxa kala socon.
  2. Wacay galinta Shacabka Somaaliyeed Oo loo adeegsado Culimada, Saxaafada , Aqoon yahanka, Waxagaradka, Dhalin yarada, Haweenka, iyo Qeybaha kala Duwan ee Bulshada .
  3. In saraakiishii Xooga Dalka Somaaliyeed Ee  Muqdisho ka saaray sanadkii 2012 Dib loo hool galsho loona Dhiibo Hogaanka Ciidanka oo dhan.
  4. In Dib habayn iyo tayeyn lagu sameyo Hay’addaha Amniga Xilkana laga wada qadaa Saraakiisha Qurbo joogta ah loona dhiibaa Saraakiisha Qoraxa jooga ah oo aan waligood Dalka ka bixin.
  5. Waa in Dowlada Awood u yeelataa la xisaabtaka Shirkadaha isgaarsiinta Dalka si loo ogaado Dhaq dhaqaaqa kooxda al-Shabaab .
  6. In Magaalada Muqdisho Labada wado ee laga so galo laga sameyo labo bar koontarool oo la dhigo qalab lagu hubiyo waxayaabaha qarxo, kaaraka aqoonsiga ee isticmalaan Ardayda, Shaqaalaha rayadka ah ee Dowlada u Shaqeyo , iyo in la keeno eyaha uruiyo waxayaabaha qarxo.
  7. Waa in la dhisaa gudi Madaxa banaan oo Daba gal ku sameyo Saraakiisha Ciidanka in ee waajibaadkooda ee gudanaayn iyo in kale .
  8. Waa in la sameyaa Diiwaan galinta Dad weynaha oo waajib looga dhigo qof kasto oo Muwaadin ah in uu Qaato kaarka aqoonsiga oo Electronic ah si loo ogaado tirada Shacabka Muqdisho ku nool.
  9. Waa in ganacsatada Xariirka la leh kooxda al-Shabaab hantidooda Dowlada la wareegtaa.
  10. Waa in Aan Alle Cafis u weydiisanaa si wada jir ah in kooxda Cadawga ah ee al-Shabaab Alle nooga Qabto.

WQ Sabir Elmi Yusuf

Saabirelmi@gmail.com