Diyaarado dagaal oo xalay Duqaymo ka fuliyay Deegaano ka tirsan G/Hiiraan.

BeleWararka ka imaanaya G/Hiiraan ayaa sheegaya in Diyaarado dagaal ay xalay duqeymo ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi oo ay fariisimo ku leeyihiin Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Deegaanada ay duqeynta ka dhacday ayaa waxaa ka mid ah Galxamure, Astaan iyo degaano kale oo hoostaga Magaalada Beledweyne ee Gobalka hiiraan.

 

Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay in duqeynta lala beegsaday goob ay ku shirsanaayeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dhankakale ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ee gaaray Al-Shabaabkii la duqeeyay,iyadoo Mareykanka uu kordhiyay weerarada ay ka fulinayaan deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan oo ay joogaan Al-Shabaab.