Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo soo gabagabeeyay Weerarkii ka Socday Magaaladda Muqdisho.

Ciidamadda Dowladdda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Alpha Group ayaa goordhaweyd soo afjaray weerarkii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen xarumo ganacsi iyo Guryo ku yaalla Wadada Maka Almukuramah ee Magaaladda Muqdisho.

Soo afjaridda weerarkaan ayaa qaatay 22-saacadood, waxayna kooxda weerarka soo qaaday ay galeen goobihii ay weerareen sida uu sheegay Sarkaal Ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya,waxayna taasi ay keentay in weerarka uu soo gaaro ilaa waqti dambe.

Weerarradan ayaa iskugu jiray qaraxyo iyo dagaalyahano gudaha u galay dhisme ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama ee Magaaladda muqdisho.

Dhanka kale Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarka ayaa sheegtay in lasoo afjaray,islamarkaana ragii weerarka soo qaaday la toogtay.