Afar Sanno waa Qabyo kuwii horaa noo sheegay, ee Laba Sanno noogu dara ameey soo soctaa..!!!=Nasashada Jimcaha.Q-137aad=.

1- Gabar wadatay Gaadiidka raaxada ayaa Magaalada Hargeysa ,Lift ku qaaday wiil Arday ah, waxa ey geeysay Geed ku yiil Banaanka Magaalada Hargeysa, halkaa waxaa ku sugayay 4 Hablood oo eey Gabadha saaxiibo ahaayeen. Hablihii ayaa xoogay, oo kufsaday Ardaygii.

Maamulka Magaalada Hargeysa ayaa Digniin ka soo saaray in Geedkaa oo hore ey uga dheceen falal taa la mid ah,in eynan wiilashu tagin. Laakin Habeenkii Xigay 30 wiil ayaa Geedkii u Jiifatay iyaga oo Busta yaashooda hore u sii qaatay. ( F.S: 1aad).

( Digniinada qaar waxay badiyaan, Fal dambiyeedyada)

2- Xassanoow oo Reer Jannale ah iyo Xaaskiisa ayaa tegay Maxkamadda iyaga oo furiin doon ah, laakin Xaasku ma rabin Furiinka.

Qaaligii Maxkamaddu Markii uu Dacwadii dhageystay ayuu yiri: Waxaad heysataan 3 Caruur ah ee sideen idinku kala qeeybiyaa bacdama aad kala tageysaan? Xooga marki ay dooden ayaa Xaaskii tiri: shiikhoow, naga raali ahaaw Sannadka dambe ayaan kuu imaan doona, Annaga oo wadano Afar Caruur ah oo noo qaybsami karo. Qaaligii waa ka ogolaaday, 9 Bilood kadib ayey timid iyada oo wadato Saddaxdii hore iyo Laba Mataano ah oo ey dhashay, Qaaligii ayaa yiri: weli ma qeybsami karaan 5 caruur ah ee waa noo sannadka dambe. ( F.S: 2aad)

(Afar Sanno waa Qabyo kuwii horaa noo sheegay, ee Laba Sanno noogu dara ameey soo soctaa, oo laba kale oo mataanaa hoosta ku sii wadato)

3-Nin Muqayil weyn ahaa ayaa Xaaskiisii Foolu qabatay, dhaqsana wey u dhali weeyday, kadib markii dhowr jeer loo wacay Umuliso deriska ah, ayaa markii dambe Habeen barkii la geeyay Isbitaalkii. Waxa ey dhashay Wiil,Wiilkii ayaa Ooyin Bilaabay, Aabihii oo Marqaansan ayaa dharbaaxo ku dhuftay wiilkii,kuna yiri: War naga Aamus Cawaanyohoow, Adiga oo hadda uun Aduunka ku Cusub ayaad Xiligaan la kala seexday Socotaa, Haddaad weynaato waxaanba ka baqayaa in aad soo seexan weeydo, walee ii aanan Albaabka kaa furin. ( F.S: 3aad)

4-Oday 80 jir ah ayaa Xaaskiisii oo 60 jir aheyd ka geeriyootay. Wiilashiisii ayaa ku yiri: Aabe waxaan Tuulada kaaga soo raadineeynaa Xaas kale oo 60 jir ah. Wiilashii ayaa Tuuladii ka soo waayay 60 jir guur doon ah. Markii ey u sheegeen Aabihii ayaa ku yiri: Dhib male, ee haddaad ducadeeyda rabtiin iga Bedela. Waxa ey ku yiraahdeen Aabe sideen u bedelanaa? Waxa uu ku yiri: Laba naagood oo 30 jiro ah, waa iska 60kii ee ii keena.

(Beel ayaa loo waayay Xilka wasiir oo loo balan qaaday, waxaase loogu bedelay 2 Agaasime Guud, haddii xukunku sarif moqdo waa khasaaro)

5- Cabdi Carab oo Reer Mudug ah ayaa waxaa qabtay xauun ilkaha ah oo uu u adkeysan waayay. Waxa uu u tagay Dhakhtarka ilkaha, uuna ku yiri: Datoore ilkaha oo dhan iga siib ee kan i xanuunayo oo kaliya ka reeb.

Dhakhtarkii ayaa ku yiri: Maxaa dhacay? Ninkii ayaa ku yiri: waxaan ku xumeeynayaa si uu cidlada u Dareemo kaligii, markaa ayuu garandoonaa wallal la’ aanta dhibkeeda. ( F.S: 4aad)

( Reer Gaalkacyo, Ninkii Gabar 15 jir ah kufsado ma ciqaabaan,ee kaligii ayeey reebaan, kuwa ka damqadana doqon ayey u yaqaaniin)

6- Gabar 16 jir ah oo Maqbiyad ku aheyd Gurigooda Degmada Shibis weligeedna aan Banaanka u bixin,oo aan looga sheekeeyn xiriirka Ragga iyo Dumarka , ayaa Nin Reer Adan yabaal ah loo guuriyay.

Habeenkii la Guri geeyay ayuu ku bilaabay yariistii Taataabasho iyo in uu dharka iska dhigo. Isla habeenkii ayey xaaladda u bogi weyday oo ka soo carartay. Subaxdii ayuu Ninkii yimid waxa uuna yiri: Aniga iyo qoftaan ha naloo kala gar qaado.

Gabadhii ayaa la weeydiiyay, Maxaad uga soo carartay Ninkaaga? Waxa ey tiri: ummaa, Ninkan waa shaxaari ani ma rabo xatta ma Xishoonayo aniga ayuu isku kay hor qaawiyay,waa Shaxaari. Hooyaded ayaa ku tiri: Hooyo waxaan waa waajib diinteenaa ogol Allaah ayaana isku kiin xalaaleeyay. Gabadhii waxay tiri: Hooyo waan kaa yeelaay, laakin Ninkaan wixiisu caadi ma ahan.

Arrintii waxa ey huri weeyday Qaali. Ninkii ayaa qol Maxkamadda ah la geeyay oo la qaawiyay, wuxuuna yiri: Wax aan kan ahayn ulama imaan. Maamadii ayaa tiri : Hooyo Aabahaaba waa sidaa oo kale. Gabadhii ayaa tiri: Hooyo Aaabahay ha caayin, Ninkan waa beenloow, Xalay waxiisu saan ma aheyn, Ha buufiyo markiis buufiyo lee arka , si kale ayuu noqonayaa, nooh. ( F.S: 5aad)

( Gabdhaha Saqiirada ah oo aan wax loo sheegin, hala sugo, Buufiskana ka ilaaliya, kaba darane saqiiro kufsi ayaad keenteen)

Qore: Yahya Amir