Safiirada Cusub ee Itoobia u Macowday Safarada EU waa ayo?

Waxa ay ka soo jeedaa Magaalada Jigjiga. Runtii, hadii magaca Jigjigaawi in uun cidi qaadan karto, Ubax Maxamed Xussen Giire ayaa qaadan karta.

Ubax waxay ka soo jeedaa qoys asal iyo lafihiisu yahay Jigjigaawi.

Waxaa dhalay Maxamed Xuseen Giire oo caan ka ahaa dhalintii Jigjiga ku barbaartay 1950hii iyo lixdameeyihii. Abo maxamed professionlissu ama shaqadiisu waxay ahayd wariye. Mudo dheer ayuu weriye ka ahaa laant AfSomaliga ee Radio Addis Ababa.

Waxay xulifo ahaayeen Allaha U Naxariisto Nuuradiin Cabdala (Somali National Theater) iyo Muxsin Cabdalaa oo isna ka mid ahaa fanaanitii 1970hii ee Radio Muqdisho, ka dib markuu AA ka baxsaday. Malyuun Gudinana ku dar oo xabashi Soomaaliyoobay ahaa markii dambena talaabay.

Waxa kale uu Maxamed caan ku ahaa heesaha subciska ah. 1950hii iyo 1960hii waxa heesaha subciska ah baratan u gali jiray, sida la ii sheegay, ardayda iyo shaqaalaha magaalada oo inta badan ku kulmi jiray aroosyada. Hablaahaana la istusi jiray.

Sadarada ardada loo tiriye waxaa ka mid ahaa:

Nin walba Hoyadiis masruufto,
Aanu hankiisui dhafan
haa-huu iyo haash (hala iga saxo heest).

Waxa Awow u ah Xusseen Giire. AU Xussen Giire wax uu ahaa xooghayihii SYL, faracii Jigjiga. Tolow maanta Xuseen Giire Xooghayaha SYL ma loo ogolayn lahaa?

Waxa kale oon hoosta ka xariiqaya in Macalinkii caanka aah meelkasta oo Soomaali dagto, Macalimu Cabdi Xuseen Giire, ayaa adeer u ah. Suldaan Odowa Liibaan, waa awoogdeed. Oday dhaqameedyadii Jigniga waxa wadaniyadoodo 100 % ahayd Suldan Odowaa iyo Garad Yonis Xassan Garaad Dalal waa adeer. Suldanka Amzarafa ayaa xidhay 1977.

Muqdisho markaan tagaayey, laba magac ayaan haystay oo aabahay igu yidhii ragaasi ku dag. Waxa kow ka ahaa Cabdi Xusseen Giire, ayada oo kuwo aanu isku widiwixi nahay magaalada ka buuxeen. Waxaanu isku ahayn waxa rer-Jigjiga isku ahayn- brothers and sister isku tolan. Gaar ahaan aabahay iyo Xussen Giire walaalo Ilaahay bay ahayeen.

Qofkii raba inuu bartaow wataas: She is as original of Jigjigawi as it gets.

Faysal Roble