Egypt: Shil Tareen oo ay dad badan ku dhinteen

Dad gaaraya 24 qof ayaa ku dhintay shil tareen oo Arbacadii shalay ka dhacay xarunta ugu weyn ee Tareenada magaalada Qaahira.

Shilkan ayaa yimid kadib markii tareenkan oo xawaare sare ku socda uu ku dhacay darbiga goobta laga raaco tareenada, waxaana la sheegay in wadihii tareenka uusan qaban fariinka, darawalka tareenkaasi ayaa la sheegay inuu dagaal kula jiray qof kale oo uu ka maqnaa halka laga wado tareenka markii uu shilka dhacayey.

In ka badan 54 qof ayaa shilkan ku dhaawacmay kuwaasi oo qaarkood qaba dhaawacyo culus, waxaana khasaare badan geystay dab ka dhashay haamihii shidaalka ee saarnaa Tareenka.

Shilkan ayaa keenay in uu xilka iska casilo wasiirka gaadiidka.

Madaxweynaha Masar Cabdifatax Al Sisi ayaa tacsi u diray dadka geeriyooday qoysaskooda isla markaana sheegay inay baaritaan ku wadaan shilkan sharcigana lasoo taagi doono cidii danbi lagu helo.

Shacabka Masar ayaa si weyn u cambaareeyey xukuumada Sisi oo aan wax badan ka qaban gaadiidka dadweynaha gaar ahaan tareenada dalkaasi Masar oo ay sanad-walba ka dhashaan shilal keena khasaaro badan.