Maxay ku kala duwan yihiin ID – Warqadda Aqoonsiga hadda iyo kii hore ee Xiriyadda kadib?!!!.

Waxaa hadda Nala siiyaa ID- Warqada Aqoonsiga Somalia oo cadeeynee Somalinimadeyna, ayna Ku qoran tahay waqtiga ay dhaceeyso, 5 saano kadib.(F.S: 1aad)

Taa oo ah in Somalinimadeeno ey Ku meel gaar tahay, kuna egtahay 5 Sanno, kadibna u baahan in la sugu Somali nimadaada.

ID-gii hore ee Xiriyadda kadib, kuma qorneyn waqtiga ay dhaceeyso somalinimadaadu.(F.S: 2,3,4aad)

Haddii ey jiraan wadamo Ka kooban qoowmiyado badan oo u baahan in jinsiyadooda la sugo, khasab ma ahan in aan Ku daysano, oo la yiraa wadan hebel waa sidaa.annagu Somali ayaan nahay, waa in aan Ku faanno, Somali nimadeenu ma dhacdo.

Codsi:

Waddamada qaar waa ila yaabaan markii ey arkaan ID – geyga, waxa eyna igu yiraahdeen Somali nimadaada 2 Bil ayaa Ka dhiman, kadib maxaad noqonee?

Annaga ha naloogu qoro “re-newable” waa la cusbooneeysiinayaa, 10 Sanno kadib, bacdamaa muddadaa uu is bedeli Karo muuqaalka qofku. Laakin Qurba joogeey, Naga daaya ” Expire ID” somalinimadaadu waa dhacday 5 Sanno kadib.

Annagu weligeeyn Somali ayaan nahay.

Wixii Ka khaldan qoraalkan Ka sax.

Qore: Yahya Amir