Balakot: Pakistan oo wacad ku martay inay ka jawaabi doonto “duqeymaha cirka” ee Hindiya

Pakistan-iyiin gubaya calanka Hindiya kaddib markii milateriga dalkaasi uu gudaha usoo galay dalkooda
Dowaladda Pakistan ayaa sheegtay inay ka jawaabi doonto “waqtiga iyo goobta ay iyadu doorato” kaddib markii Hindiya ay duqeymo dhanka cirka ah ku qaadday maleeshiyaad ku sugan gudaha waddanka Pakistan.

Hindiya ayaa sheegtay in ay dishay tira badan oo maleeshiyaad ah hasayeeshee Pakistan ayaa warkaasi ugu yeertay mid ay “mas’uuliyad darro” ku dheehan tahay.

Xiisadaha u dhaxeeya dalalka dariska ah ee hubka nukliyeerka ah haysta ayaa aad sare ugu kacay kaddib markii weerrar lagu qaaday ciidammada Hindiya ee ku sugan Kashmir.

Weerrarka ayaa waxaa sheegtay urur uu saldhiggiisu yahay waddanka Pakistan, waa Jaysh Muxamed ee, Hindiyana waxa ay markaasi wacad ku martay inay aargoosan doonto.

Hindiya waxa ay Pakistan ku eedaynaysaa in maleeshiyaadka ay u ogolaatay inay dalkeeda ka howlgalaan, arrintaas oo ay Pakistan diidan tahay.

Hindiya iyo Pakistan-ba waxa ay ku andacoodaan lahaanshiyaha dhulka Kashmir oo ay u badan yihiin dadka Muslimiinta, hasayeeshee qeyba un ayey ka maamulaan. Labadan arrintaas daraadeed ayey saddex goor oo hore u dagaalameen, iskudhacooduse waa uu xadidnaa tan iyo markii ay xorriyadda ka qaateen Britain 1947 – kuwaas oo mid ma ogiyee inta kale la isku haystay Kashmir.

Duqeymahan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee laga gaysto meel ka baxsan barta koontarool ee kala qeybisa Khasmir-ta ay Hindiya maamusho iyo midda ay Pakistan maamusho – tan iyo dagaalkii labada dal dhexmaray 1971.

Maxaa dhacay?
Labada dhinac ayaa waxa ay baahiyeen dhacdooyin aad u kala duwan. Saraakiisha Hindiya ayaa waxa ay sheegeen in duqeymaha dhanka ah ay ku garaaceen xero ku taal Balakot, waqooyi galbeed waddanka Pakistan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee waddanka Pakistan Vijay Gokhale ayaa sheegay in “tira badan” oo maleeshiyaad ah la dilay, isagoo difaacay weerrarka kuna tilmaamay “duqeymo ka hortag ah” oo la doonayay in Jaysh Muxammed loogaga joojiyo weerrarada ay soo qaadaan.

Dadka ku noold deegaanka Balakot ayaa BBC-da u sheegay inay ku soo tooseen dhawaqa qaraxyo waa weyn hasayeeshee lama xaqiijin cid wax ku noqotay.

Milateriga Pakistan ayaa meesha ka saaray inay jiraan cid wax ku noqotay duqeymaha cirka. Waxa uu milaterigu sheegay in diyaaradahiisa ay ku qasbeen kuwa Hindiya inay goobta dib uga gurtaan gantaalladii ay sideenna ay ku tuuraan deegaan aanan la deganayn.