Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyay degaano ka tirsan gobolka hiiraan waxa ay ku dileen dagaalyahano iyo saraaki ka tirsan Al-shabaab
Howlgalka ayaa laga fuliyay degaanada Orantan masaaro jabis dhiri maadle miir cado garxamud wab galeey, Afar irdood oo ka wada tirsan gobolka Hiiraan halkaasi oo la sheegay in ay saldhigyo ku lahayeen Al-shabaab
Saldhigyadii Al-shabaab ayaa lagu bur buriyay Howlgalka sida ay inoo sheegeen saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka
Taliyaha guutada 5Aad qeybta 27Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka G/sare Faarax ayaa sheegay in Howlgalo laga fuliyay degaano hoostaga Gobolka Hiiraan lagu bur buriyay saldhigyo Al-shabaab
Kornel Faarax Kooshin waxa uu sheegay in howlgalka Al-shabaab looga dilay ku dhawaad 40 dagayaha iyo saraaki ka tirsan Al-shabaab
Ugu dambeynti Taliyaha ayaa sheegay in Al-shabaab howlgalka looga gubay 3 Gadiid oo ah kuwa dagaalka ah