Maxaad ka taqaan Jaceeylka Yoo Yoo!!!.

Wiil Ka mid ah, saaxiibadeeyda FB ayaa i weeydiiyay, su’aal qalafsan? Yaxya weligaa wax ma jeclaatay?

Waxaan Ku iri: Haa, Diinteeyda, Dalkeeyga, Dadkeeyga iyo…….

Waxa uu yiri: taa ma ahan, Tan laba qof oo Kala jinsi ah? Waxaan iri: Haa, Abootadeey, Habar yar, Hooyo, walaasheey…….

Waxa uu yiri: Taa Maya. Qof kale oo Haween ah. Waxaan iri: Haa, waa Ku fahmay, ma Anigaa dhagax ah maxaan wax u jeclaan waayay!!.

Waxa uu yiri: Jaceylku muxuu u baahan yahay jaceeylku?

Waxaan Ku iri: Run & Daacadnimo, Jaceeylkaaga Qalbiga Ku qunfulo, ( F.S:1aad). Kadibna xanaaneey ( F.S:2aad). Xaalada Dunidu waa is bedbedeshaa, haddii uu kaa wasakhoobo ha tuurin ,dib u nadiifi ( F.S: 3aad). Hadduu Ka dilaaco Tolo , marna haka quusan( F.S: 4aad).Laakin mid Ogoow, Jaceelkaagu yuuna maskaxdaada Hogaamin ee maskaxdu jaceeylka ha hogaamiso.

Waxaa uu igu yiri: Adeer Jaceeylka wax kama taqaanid, intaad Jaceel Dayac tiri laheyd, mid cusub ayaa la raadsadaa.. Sharciga Ciyaalka xaafada ee yoo yooga ayaa sidaa qabo.

Waxaan Ku iri: Jaceeylku sida qeybaha kale ee nolosha ayuu waaya aragnimo u baahan yahay, ee odayaasha Ka faa’iideeyso. Wuxuu yiri: kani ma ahan mid waaya aragnimo u baahan.

Kadibna waxa uu ii Soo qoray duco ah “Adeer Dhooraa tahay”.

Anna waxaan u qoray, Aamiin.

U Kala gar qaada, Ciyaalka xaafadda iyo odayaashii hore.

Qore: Yahya Amir